Home » 2017 » September
WAREEGTO: SIILAANYO OO MAMNUUCAY IN HANTIDA DAWLADDA LOO ADEEGSADO OLOLAHA DOORASHADA

WAREEGTO: SIILAANYO OO MAMNUUCAY IN HANTIDA DAWLADDA LOO ADEEGSADO OLOLAHA DOORASHADA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/P/WM/ -50 /092017 uu ku dhaqan geliyey saddexdan arrimood: 1. Reebbanaanta U Adeegsiga Hantida Qaranka Ololaha Xisbiyada, 2. Isticmaalka Warbaahinta Dawladda iyo Fagaarayaasha Wakhtiga Ololaha Doorashada iyo 3. Gacan Siin Komishanka Doorashooyinka Qaranka. Ujeeddo: Wareegto Madaxweyne; Reebbanaanta U Adeegsiga Hantida Qaranka Ololaha Xisbiyada […]

AXMED MADOOBE OO DHEXDHEXAADINAYA FEDERAALKA IYO MAAMUL GOBOLEEDYADA, GUDII LOO MAGACAABAY

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir Gudoomiyay kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen golaha wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbaland. Kulankan waxaa goob joog ka ahaa xubnaha golaha Xukuumada ee aan hawlaha shaqo dalka kaga maqnayn iyo labada Madaxweyne ku xigeen. Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa golaha warbixin ka […]

Continue reading …
LAASCAANOOD, ADHICADEEYE, YAGOORI IYO GUUMEYS: TAAGEERADA KULMIYE IYO WASIIR FARATOON OO SI XAMAASAD LEH LOO SOO BANDHIGAY

“Dabaaldegeeda waxaa iska leh Wasiirka Arrimaha Gudaha, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir, waxaanu ku leenahay Wasiir waxaad tahay halyey ku qaali ah degaanada Sool, midhihii aad beeratay waxaad u eegtay xulashadoodii…” – Gabadh khudbad ka jeedisey munaasabadaha taageerada Kulmiye ee Yagoori.  DAAWASHO WACAN.

Continue reading …
MARXUUM TALYANLE OO AASKIISA AY KA SOO QAYB GALEEN KUMANYAAL DADWEYNAHA IYO MASUULIYIINTA SOMALILAND AH

Madaxweyne Siilaanyo, Gudoomiye Baashe, Gudoomiye Muuse Biixi, Gudoomiye Cirro iyo xubno kale oo ka soo qayb galay, kana hadlay.  DAAWASHO WACAN.

Continue reading …
HALIS – DAAWO, BURCO: DAD KU SUMOOBEY QAAD AY CUNEEN

“Oromadii waxay kaga dhabaysey hadlkeedii ahaa Soomaalida waan sumeyn doonaa” – Dadweyne cadhaysan oo Burco kula hadlay saxaafadda.  DAAWASHO WACAN.

Continue reading …
GUDDI QIIMAYNAYSA BAASABOORKA SOOMAALIDA OO XAMAR IMANAYSA

Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Maxamed Aadan Jimcaale Koofi ayaa sheegay in dhawaan dalka soo gaari doonaan khubaro reer Yurub ah oo sida uu hadalka u dhigay qiimeyn ku sameyn doona habka bixinta Baasaboorka Soomaaliga. Waxaa uu sheegay in ujeedada socdaalka khubarada reer Yurub ee imanaya tahay bal in ay arkaan habka […]

Continue reading …
DAAWO – TALIYAHA CIIDAMADA TURKIGA OO XAMAR JOOGA, WEFDI KALE OO LA FILAYO

Taliyaha Guud ee Ciidamada dalka Turkiga Hulusi Akar iyo wafdi uu horkacayo ayaa goordhow ka soo degay Garoonka dayuuradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Waxaa wafdigan si diiran ugu soo dhoweeyey garoonka Aadan cadde Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jen. Maxamed Axmed Jimcaale Geeddi iyo saraakiil iyo mas’uuliyiin kale oo uu ka mid yahay Danjiraha […]

Continue reading …
FAYSAL WARAABE OO SI WAALI AH U WARAMAY: “MARKAAD GARXAJIS MAQASHO DAGAALKII SOKEEYAHAA KUGU SOO DHACAYA, MARKAA DADKU WAY KA DIDAYAANBA”

“Raggii intay dagaalka [sokeeye] rideen Xamar iska tegey way soo noqdeenba….Laakiin, waanu la dagaalamaynaa Inshaa Allaahu tacaalaa” – Faysal Waraabe oo u hanjabay rag uu ka mid yahay Ismaaciil Buubaa.

Continue reading …
HALIS, BICIIDE IYO SACAD YOONIS: “WAA MARKII LABAAD EE ANAGOO XOOLIHII MAGAHA AHAA GURAYNA DHABARKA RASAAS NALAGALA DHACO…”

“Weerarkani waa weerarkii tobnaad…..Haddii gacan ku dhiiglihii la soo qabto, boonkii labaatanka kun ee doolar ahaa [$20,000] ee la dhigayna la keeno nabaddii sidii bay u xidhnaanaysaa, haddiise….” – Cuqaasha Beesha Sacad Yoonis oo digniin kama dambays ah hawada soo mariyey.  HALKAN KA DAAWO.

Continue reading …
GARAAD CABDILAAHI, XILDHIBAAN SICIID SIRAADLE, IYO GUURTI FAROOLE OO TACSI TIIRAANYO LEH U DIRAY MARXUUM TALYANLE

Madax dhaqameed iyo xildhibaan ka soo jeeda degaanada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa iyagoo ka tiiraanyaysan si weyn uga tacsiyadeeyey qoyskii, qaraabadii, asxaabtii iyo bulshada Somaliland geerida naxdinta leh ee Marxuum Xildhibaan Cabdiraxmaan M. Talyanle. Garaad Cabdilaahi Maxamed Guuleed, Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi [Siraadle] iyo Guurti Cabditashiid Axmed Jaamac [Faroole] ayaa marxuumka ugu duceeyey inuu […]

Continue reading …
YAAB, DAAWO – YAGOORI: DUMAR LAGU URURIYEY HAL QOL OO LAGU SHEEGAY SOO DHOWEYN BALLADHAN OO LOO SAMEEYEY XISBIGA KULMIYE

Raggii oo ka muquurtay. Wefdi ka socda Xarumaha Kulmiye ee Hargeysa iyo Laascaanood oo calamo qurux badan soo daabacday haseyeeshee Degmada Yagoori si qabaw, qol yar oo hablo keliyahi joogaan lagu qaabilay.

Continue reading …
GAADIID CUSUB, SHIRKADDA BARI IYO GALBEED OO BASAS CUSUB LA SOO DEGTEY

“Intani maaha kuwii ugu dambeeyey ee waa dufcad ka mid ah gawaadhida” – Xubin ka tirsan maamulka Shirkadda Gaadiidka ee Bari iyo Galbeed.

Continue reading …
DAAWO, BOQOR SALMAANKA SUCUUDIGA OO MADAXWEYNE FARMAAJO QASRIGIISA KU SOO DHOWEEYEY

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho ku jooga magaalada Jeddah ayaa maanta la kulmay Boqorka Dalka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis. Labada masuul ayaa ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhaqaalaha, amniga, maalgashiga iyo qodobo kale. Farmaajo iyo wafdiga uu hoggaaminayey ayaa Shalay gaaray Dalka Sacuudiga waxaana halkaasi wafdiga Madaxweynaha uu […]

Continue reading …
MUHIIM, XUKUUMADDA ITOOBIYA OO SI CULUS U EEDASAY SOMALILAND

Dowladda Itoobiya ayaa ku eedeysay maamulka Soomaaliland in uu barakacin ku haya dadka Oromada ee ku dhax nool kaddib qalalaasihii ay dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay deegaanka Hawadaay. Wasiirka warfaafinta dowladda Itoobiya Negeri Lencho ayaa warbaahinta u sheegay in maamulka Soomaaliland ay ka qeyb qaateen barakicinta lagu haayo dadka Oramada ah ee ku […]

Continue reading …
INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

Waxaa xalay ku geeriyoodey cisbitaal ku yaala dalka Hindiya Marxuum Xil. Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle oo ka mid ahaa Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaa geerida Xildhibaanka tacsi tiiraanyo leh ka diray Gudoomiyaha Baarlamaanka, Mudane Baashe Maxamed Faarax,  iyo dhammaan xildhibaanada Golaha. Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun.

Continue reading …
ADHICADEEYE: GUDOOMIYAHA XISBIGA KULMIYE EE GOBOLKA SOOL IYO WEFDI LA SOCDEY OO OLOLE KA BILAABAY

Dad kooban oo u soo baxay, hadal kooban oo Qalab ciyaareed oo lagu wareejiyey dhalinyarada loo dhex geliyey.  DAAWASHO WACAN.

Continue reading …
AXMED MADOOBE OO MAAMULGOBOLEEDYADA GOGOL U FIDIYEY, MAXAA LAGAGA HADLAYAA?

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland, Mudane Axmed Max’ed Islaam, oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo, kadib safar uu mudooyinkii u danbeeyay ugu maqnaa gobolka Gedo ayaa ka hadlay arimo kala duwan oo ay kamid tahay safarkiisii gobolka Gedo iyo arrinta khilaafka dalalka Khaliijka ee ay dowladda Soomaaliya dhex dhexaadka ka noqotay, balse […]

Continue reading …
YAAB – BASASKII HARGEYSA OO SI JOOGTO AH DAB LOO SUDHAYO, BASLAYAASHII OO BAADHIS CODSADAY

“Waa wax lagaga tegayo….Isku si bay u gabteen labada gaadhi….Waxaanu dawladda sharafta leh ka codsanaynaa baadhis CID-da iyo kuwa qaraxyada” – Xubin ka tirsan baslayaasha Hargeysa oo la hadlay saxaafadda. DAAWASHO WACAN.

Continue reading …
DAAWO DOODDA OROMADA EE COLAADDA SOOMAALIDA

Waxay dilalkii ka dhacay Awadaay ku eedeeyeen Dawladda Federaalka Itoobiya, waxayna Iley ku tilmaameen dabadhilif tigree.  DAAWASHO WACAN.

Continue reading …
JAAMACADDA NUGAAL OO DHISMAYAAL CUSUB LAGU KORDHINAYO, ARDAY KA QALINJEBISEY OO LOO DAMAASHAADAY

Qolweynaha Shirarka, Maktabadda iyo dabaqii labaad ee jaamacadda oo la dhagax dhigay. DAAWASHO WACAN.

Continue reading …
Page 1 of 512345