Home » 2017 » October
LAASCAANOOD: MAAYAR AXMED AWDAAHIR OO WADDANI KA HILAACAY, XAFLAD LAASCAANOOD LOOGU QABTAY

LAASCAANOOD: MAAYAR AXMED AWDAAHIR OO WADDANI KA HILAACAY, XAFLAD LAASCAANOOD LOOGU QABTAY

“Labadaa kulan [WADDANI iyo KULMIYE] markaan is barbar dhigay waxaa ii soo baxday danta deegaankeena, iyo Gobolkeena iyo degmadeenu, guud ahaan iyo gaar ahaanba, inay ku jirto oo aan ka dhex arkay Siyaasadda Xisbiga WADDANI” – Axmed Awdaahir, Maayarkii hore ee Degmada Laascaanood.  DAAWASHO WACAN.

DAAWO [SAWIRRO] – KHUDBADDII UGU HOREYSEY EE GUDOOMIYE BAARLAMAAN SOOMAALIYEED KA JEEDIYO BAARLAMAAN DAL CARBEED, JAWAARI OO SI XIRFADAYSAN ULA HADLAY

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusman Jawaari  oo iminka ku sugan magaalada Khartum ayaa ugu hambalyeeyay Xukuumadda iyo shacabka suudaan cunaqabateyntii mudada dheer saarneyd oo ay dhawaan ka qaaday dowladda Mareykanka. Mudane Jawaari ayaa Tahniyadan ka sheegay khudbad uu maanta  ka jeediyay kalfadhi ay lahaayeen Baarlamaanka Sudan uuna guddoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka dalkaas Prof. Ibrahim […]

Continue reading …
DAAWO – DEKEDDII BOOSAASO OO KU DHOW INAY XIDHANTO, BARXADEHEEDII OO HAAWANAYA

Dekeda magaalada Boosaaso ee gobolka bari oo ah isha dhaqaalaha ugu weyn ee uu ku tiirsan yahay Maamulka Puntland ayaa waxaa hakad galay  dhaqdhaqaaqii ganacsi ee ka socday muddo ku dhow dhow todobaad. Dekeda oo dhawaan lagu wareejiyey shirkadda P&O Ports oo hoos tagta shirkada DP World ayaa waxaa sidoo kale ka qaxay Maraakiibtii iyo […]

Continue reading …
BAASHE CALI JAAMAC OO SI XAMAASAD LEH LOOGU SOO DHOWEEYEY CEERIGAABO

Taageeryaasha Xisbiga WADDANI iyo odayaasha iyo dhalinyarada Beesha Dhulbahante ee Gobolka Sanaag oo si baaxad leh  ugu soo baxay qaabilaadda Wasiirkii Hore ee Biyaha Somaliland, Mudane Baashe.  HALKANI KA DAAWO.

Continue reading …
GUDOOMIYE JAWAARI OO KHARTUUM KULA KULMAY GUDOOMIYAHA BAARLAMAANKA SUDAN

Wafdigii uu hogaaaminayey guddoomiyaha Baarlamanka Somalia Maxamed Cismaan (Jawaari) ee booqashada ku jooga dalka Sudan ayaa maanta magaaladda Khartuum kula qaatay gudoomiyaha Baarlamaanka ee dalkaas. Jawaari iyo waddigiisa ayaa lagu soo dhoweeyay xarunta Baarlamaanka ee dalka Sudan, waxaana labada Gudoomiye ay ka wada hadleen xiriirka labada dal gaar ahaan iskaashiga iyo wada shaqeynta iyo iskaashiga […]

Continue reading …
DAAWO, MADAXDII CALI KHALIIF KU XEERNAYD OO HAL-HAL UGA TAHRIIBAYA, WASIIRKIISII WARFAAFINTA IYO TALIYIHII CIIDAMADA OO ISCASILEY

“Wax shir ah iyo wax arrin ah oo aanu idiinku maqnayn, haddaad tihiin Reer Buuhoodle, ma jiro. Laba nin [Siilaaniyo iyo Cali Khaliif] wax ay isla ogaayeen bay meesha isugu sheegeen” – HALKAN KA DAAWO LABA VIDEO.

Continue reading …
CIRRO OO KA HADLAY WEERARADA TOOSKA AH EE LAGU HAYO TAAGEERAYAASHA WADDANI IYO GURIGIISA

“Waxaad ka warqabtaan in maalin dhoweyd la isku dayey in Xarunta Xisbiga WADDANI ee Hargeysa la gubo oo taayiro ololaya lagu tuuray, waxaad ka warqabtaan in gurigayga la weeraray, waxaad ka warqabtaan in isu soo baxii ugu dambeeyey in 40 baabuur ka badan Hargeysa lagu burburiyey, waxaad ka warqabtaan magaalada Oog la yidhaahdo 8 hablood […]

Continue reading …
QARAXII ZOOPE OO SAHAYDAY KURAASTII  JANARAALO SARSARE, LABA TALIYE CIIDAN OO SEFTU QAADATAY

Shir aan caadi ahayn ee Golaha Wasiirada Somalia ay ku yeesheen Muqdisho ayaa waxaa xilalkii looga Qaaday Taliyaha Booliiska Soomaaliya, C/xakiin Daahir Saciid iyo Agaasimihii Nabad-Sugidda Qaranka C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe). Kulanka aan caadiga ahayn ee Golaha Wasiirrada Somalia ayaa looga hadlay arrimaha amniga iyo gaar ahaan qaraxii shalay ay Al-shabaab ku qaadeen Hotel Nasa-Hablood […]

Continue reading …
JIIDALI, DAAWO: SHIRKII OO GO’AAMO LAGA SOO SAARAY, HESHIISKII SOMALILAND OO LAGU GACAN SAYDHAY,GOGOSHII OO LA SHEEGAY INAY SII OOLAYSO

Beesha Maxamuud Garaad oo loogu baaqay shir dhici doona 2018, Heshiiskii Cali Khaliif iyo Siilaanyo oo la daadefeeyey: “Waxaanu taageersanahay Baaqii Isimada Dhulbahante ee masiirka umadda inaanay meteli karin koox iyo shakhsi gaar ah”. HALKAN KA DAAWO BARNAAMIJKII OO DHAN.

Continue reading …
GURIGA CIRRO, DAAWO – WEERARKII MAXAA KHASAARE KA SOO BAXAY, YAA KA DAMBEEYEY?

Gudoomiye Cabdilqaadir Jirde: “Xafiiska Koodbuur Taayirro ololayaa lagu soo tuuray….Arrintaasi waxaanu aragnaa mid abaabulan….cidaanu u tuhmaynaana waa cidda aanu tartamayney”.  HALKAN HOOSE KA DAAWO.

Continue reading …
SALAAD CALI JEELLE OO SAACAD DAMBE DIRQI KU BADBAADAY, RAGGII GOOBTA WEERARAY OO INTOODII BADNAYD NOLOL LAGU QABTAY

Sida awararka qaarkood tilmaamayaan Mudane Salaad Cali Jeelle iyo siyaasiga kale ee caanka ah ee lagu magacaabo Cabdilaahi Cumar Bootaan ayaa goor dambe oo saq dhexe ah, xalay, si dirqi ah uga badbaaday weerarkii arxan darrada ahaa ee lagu soo qaaday Hudheelka Naasahablood, Muqdisho.  Wararka ayaa sheegaya in labadan siyaasi ay ka soo boodeen mid […]

Continue reading …
DAAWO, WASIIR FEDERAALKA AH IYO SHEEKH CALI WAJIIS OO LAGA SOO BADBAADIYEY WEERARKII NAASA HABLOOD IYO XABBADDII OO LA SOO AFJARAY

Ciidamada Dowladda Somaliya, ayaa waxay Hotel Naasa Hablood 2 ka soo badbaadiyeen dad ay ku jiraan Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Somaliya, Saalim Caliyow Ibrow iyo Sheekh Cali Wajiis oo xubin ka ah Guddiga Taakulaynta ee Ciidamada Qaranka. Ugu yaraan 25 ruux, ayaa waxaa la’ogyahay inay ku dhinteen weerarkan, halka tiro intaasi ka badana ay ku […]

Continue reading …
LAASCAANOOD – MA DAREEMIN, DAAWO: XAAFADDA SALDHIGGA U AH TAAGEERADA XISBIGA KULMIYE OO MAANTA SI BAAXAD LEH ISU MUUJISAY

Saldhiggii ugu weynaa ee Taageerada Xisbiga Kulmiye ee Degmada Laascaanood, Xaafadda MaDareemin, oo maanta Laascaanood gilgiley fariina u diray taageerayaasha Gobolka Sool kana codsaday in loo codeeyo Muuse Biixi.  DAAWASHO WACAN.

Continue reading …
YAAB, QOYSKA GARAAD SALEEBAAN OO MAALMIHII UGU DAMBEEYEY XUKUNKA SIILAANYO LAGU ABAAL MARIYEY KURSI MAGAC U YAAL AH

Maxamed Garaad Saleebaan oo uu maanta Siilaanyo ku magaacabay Xil nooc cusub ah oo loogu magac daray Isdhexgalka Bulshada.  HOOS KA AKHRISO. MAGACAABIS MADAXWEYNE Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey:Ahmiyadda ay La-taliyeyaasha Madaxweynuhu u leeyihiin dhismaha Qaranka; Markuu Arkay:  In baahi loo qabo magacaabidda jagada La Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqanka iyo […]

Continue reading …
SHIID IYO DHAGAX TUURIS ROOBKA LAGAGA DHIGAY GURIGII MURASHAX CIRRO, MUUSE BIIXI OO KA HADLAY

Murashaxa  Madaxweyne ee Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi, ayaa si adag u cambaareeyey weerarkii xalay lagu qaaday guriga uu murashax Cabdiraxmaan Cirro ka dagan yahay magaalada Hargeysa. Muuse Biixi oo maanta khudbad u jeedinayey dadweyne taageerayaashiisa ah oo iskugu soo fagaaraha khayriyada ee Boorama ayaa waxa uu sheegay inuu si adag u […]

Continue reading …
MUHIIM, DAAWO: BOOS MIRE MUXUU KA YIDHI HADALKII WALAALKII AXMED MIRE IYO GUDOOMIYIHII GOBOLKA MAROODIJEEX EE LOO MAGACAABAY?

“Qoraal dambena waa jirey Axmed Mire soo qoray, dee ka dambe miyaydaan akhriyin? Ma kii hore uun baad akhrideen?” – Boos Mire M. Nuux, Badhasaabka cusub ee Maroodijeex.  DAAWASHO WACAN.

Continue reading …
XUDDUN IYO XISBIGA WADDANI: CIYAARO IYO DABAALDEG LAGU SOO DHOWEEYEY

“Rugta lagu abaarsado, raranka iyo uumiga, haddaan reerka laga rarin, xoolahaa ku riiqmeeee….” – Mid ka mid ah odayaashii XUDDUN ee u jibeysnaa WADDANI oo hees ku dhuftay.  HALKANI KA DAAWO.

Continue reading …
BAASHE CALI JAAMAC OO KA SOO DHEX MUUQDAY MADASHII CIRRO EE BOORAMA – DAAWO [SAWIRRO]

Siyaasiga caanka ku ah Gobolada Bariga Somaliland una dhashay degaanada SSC, Mudane Baashe Cali Jaamac, oo shalay iska casiley ka mid ahaanshihii Xisbiga Kulmiye ayaa isla maantaba ka soo dhex muuqday isu soo baxii Xisbiga WADDANI ee degmada Boorama halkaasoo uu ku sugnaa Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbigaasi.  Sida ka muuqata sawiradii laga soo qaaday, waxaa […]

Continue reading …
LAASCAANOOD OO UU MAR KALE RUXAY OLOLAHA XISBIGA WADDANI

Mar kale iyo Xamaasad hor leh, Xisbiga WADDANI oo mar kale si weyn ugu dabaaldegey Barxadaha iyo Jidadka Laascaanood.  HALKAN KA DAAWO.

Continue reading …
LABA DIL OO MURUGO REEBAY: WIIL U DHINTAY FEEDH WALAALKII KU DHUFTAY, ALSHABAAB OO ISLAAN 10 DHASHAY QUDHA KAGA JARAY DHAGAX

Xaafada Miriq Miriq oo ka tirsan degmada dayniile ee gobolka Banaadir ayaa waxaa galabta ka dhacay dil argagax leh oo lama filaan ahaa ka dib markii wiil uu walaalkii ku dilay Feer. Cabdi C/llaahi Maxamed oo 32 jir ah ayaa u geeriyooday feer uu madaxa kaga dhuftay walaalkiis ka yar Cali C/llaahi Maxamed oo 25 […]

Continue reading …
Page 1 of 512345