AMISOM OO HELIWAA LAGU WEERARAY

0
183
SOMALIA, Mogadishu: In a photograph released by the African Union-United Nations Information Support Team 6 June, African Union Mission in Somalia (AMISOM) Force Commander Lt. Gen. Andrew Gutti addresses Ugandan soldiers serving with the AU operation 5 June in Afgoye located 30km to the west of the Somali capital Mogadishu. AMISOM supporting Somali National Army (SNA) forces recently liberated the Afgoye Corridor from the Al Qaeda-affiliated extremist group Al Shabaab, pushing them further away from Mogadishu and opening up the free flow of goods and produce between the fertile agricultural area surrounding Afgoye and the Somali capital. AU-UN IST PHOTO / STUART PRICE.

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Xaafadda SOS ee Degmada Heliwaa,  ciidamada Amisom ayaa qaraxyo halkaasi lagula eegtay, xilli ay marayeen Isgoyska SOS.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada Amisom oo gaadiid kolonyo ah saaran qaraxyada lala eegtay, islamarkaana qaraxii koowaad markii uu dhacay la maqlay qarax kale.

Khasaare ayaa lagu soo waramayaa inuu soo gaadhay ciidamada Amisom, iyaguna rasaas badan fureen markii qaraxu qabsaday taasi oo ay dad rayid ah wax ku noqdeen.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Dawladda Federalka Somalia ayaa sheegay qaraxyadu inay ahaayeen miino ah nooca dhulka lagu aaso.

Illaa hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay qaraxyadaasi iyo rasaasta ay fureen ciidamada Amisom ee dadka shacabka ah waxyeelada ay gaadhsiisay.

Hawlgal ayaa la sheegayaa in ciidamadu ay ka bilaabeen xaafadda SOS iyo Suuqa Xoolaha, halkaasi oo gaadiidka iyo guryaha ay ku baadhayaan.

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin