BEELDAAJE CARMO LOOGU CUMAAMADAY, ALJAZEERA OO TOOS U BAAHISAY

0
99

Waxaa maanta xaflad si weyn loo agaasimay lagu qabtay magaalada Carmo ee gobolka Bari taas oo lagu caleema saarayey Beeldaajaha Beelaha Cali Saleebaan, Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil, taasoo ay ka soo qayb galeen dad kumanyaal qof ah oo ka kala yimi daafaha degaanada Soomaalida iyo caalamka kaleba.

Waxaa madasha ka soo qayb galay dhamaan madax dhaqameedyada dalka Soomaaliya iyo geeska Afrika ee ku abtirsada Afka Soomaaliga iyo madax kala duwan oo ka kala yimi qaybaha Soomaaliya sida dawladda Federaalka iyo maamul goboleedyada, Iyadoo oo ay si weyn uga dhex muuqdeen xafladda madaxda sare ee Puntland oo uu hogaaminayey Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweyne ku xigeenka mudane Cabdi xakiim Cabdulaahi Camey.

Dhanka kale, waxaa xafladda si weyn uga dhexmuuqdey Raíisalwasaarihii Hore ee Somalia, Mudane Maxamed Cali Geeddi, Garaad Jaamac Garaad Cali, Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, iyo Boqor Buurmadow oo ka socdey Isimada Somaliland.

Madaxdii ka socotay Dawladda Federaalka waxaa hogaaminayey Wasiirka Amniga Qaranka, Mudane Abuukar Islow Ducaale, waxayna ka koobnaayeen in ka badan Lixdan xubnood oo isugu jira Wasiiro iyo xildhibaano labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ka socda.

Xafladda oo ahayd mid lagu qabtay goob loo diyaariyey si qurux badana loo sharaxay, laga buuxshay dhamaan Aaladaha dhaqanka Soomaaliga, lehna mugweyn oo balaadhan si xarago ahna ay madaxda kala duwan iyo marti sharaftu u fadhiyeen.

Waxaa goobta caleema saarka ka hadlay madax dhaqameed fara badan oo ka kala socday qabaa’ilka Soomaalida meel kasta oo ay ka joogaan shanta Soomaaliyeed sida Koonfurta Soomaaliya, Waqooyiga Soomaaliya, Dhulka Soomaalida ee Itoobiya, Jabuuti, dhulka Soomaalida ee Kenya iyo kuwa kale oo ka yimi wadamada dibada.

Xafladan waxaa laga daawanayey iyada oo toos ah dhamaan TVyada Somalilada iyo caalamka sida TVga weyn ee Aljazeera qabytiisa carabiga oo si toos ah xafladda u tebinaysay, dhamaan Warbaahinta Puntland iyo Soomaaliya ayaa iyaguna si toos ah xaflada loogala socday.

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin