CALI KHALIIF OO KA SOO CARARAY BUUHOODLE, GURMAD CIIDAN OO LA FILAYO IN DHOWAAN LAGA SIIYO SOMALILAND

0
41

Hogaamiyaha garabka gacan saarka la leh Somaliland ee Khaatumo, Mudane Cali Khaliif Galaydh, ayaa maanta soo gaadhay magaalada Hargeysa.

Wararka ku dhowdhow Madaxtooyada Somaliland ayaa tibaaxaya in dawladda Somaliland ugu yeedhay sidii looga wada hadli lahaa in loo abaabulo ciidamo la geeyo Buuhoodle si ay u ilaaliyaan ammaanka guryaha ay magaalada ka degganyihiin Cali Khaliif iyo xubnaha kooxdiisa.  Sidoo kale waxaa la sheegay inay isla eegayaan sidii loo maarayn lahaa ciidan ka tirsan Ciidamada Somaliland oo loo hawlgeliyo sidii loo kala dhex geli lahaa labada beelood ee ku dagaalamay degmada Buuhoodle.

Lama hubo sida ay Buuhoodle uga fuli karayaan qorsheyaasha ay ka arrinsanayaan Somaliland iyo Cali Khaliif, haseyeeshee waxay dad badani aaminsanyihiin in dagaalka ka socda Buuhoodle yahay mid ay isla  farsameeyeen Garabka Cali Khaliif iyo xubno ka trisan Maamulka Somaliland oo muddoba la sugayey soona dhoweynaya in Ciidamada Somaliland si fudud u galaan gudaha Buuhoodle.

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin