CIIDAMADII NABADSUGIDDA BANAADIR OO LA WAREEJIYEY

0
41

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in isbedel lagu sameeyay Talisyada Booliska iyo Nabad Suggida Gobolka Banaadir, iyadoo gabi ahaanba la baabi’iyay Taliskii ciidanka muuqday ee Nabad Suggida Gobolka Banaadir.

Isbedelkan ayaa la sheegay inay sameeyeen Madaxda Dowladda Federalka Somaliya, iyadoo Taliyihii Nabad Suggida Gobolka, Saadiq Cumar Xasan, laga dhigay Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Banaadir ciidankii Nabad Suggidana lagu biiriyay Booliska.

Taliyihii qaybta Booliska Gobolka Banaadir, Jeneraal Axmed Xasan Maalin, ayaa laga dhigay Taliyaha qaybta taraafikada Gobolka Banaadir.

Nabad Suggida ayaa waxaa lagu soo koobay kaliya qaybta Sirdoonka ee dharcadka ah, waxaana arrintaan ay ka dambeysay kadib wadatashiyo kala duwan oo madaxda dowladda Federalka Somaliya ay sameeyeen.

Qorshahan ayaa looga gol leeyahay xaqiijinta ammaanka Magaalada Muqdisho.

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin