DAAWO, CABDIWELI GAAS OO SI DIIRAN LOOGU QAABILAY MADAARKA ADDIS ABEBA

0
157

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigii uu hogaaminayey oo gaadhay magaalada Addis Abeba ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey magaaladaasi.  Safarka Madaxweynaha ayaa yimid kadib markuu casumaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia Mr. Hailemariam Desalegn.

Soo dhoweyn kadib Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxa ay kulan kooban kula qaaten qolka nasashada [VIP]  ee garoonka diyaaradaha Addis Ababa masuuliyiintii ka socotey wasaaradda Arrimaha debedda iyo Wakiilka dawladda Puntland u  fadhiya dalka Ethiopia.

Kulanka Madaxweynaha dawladda Puntland uu la yeelandoono Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia ayaa waxaa looga wada hadlidoonaa arrimo la xidhiidha Amniga, gacsiga, xidhiidhka ka dhexeeya Puntland iyo Ethiopia iyo xaaladda guud ee mandaqadda.

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin