DAAWO, GARAAD JAAMAC G. ISMAACIIL OO KA HADLAY KHAATUMO, YOOYOOTANKII WASIIRADA, DILALKA LAASCAANOOD

0
352

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ka tirsan Isimada degaanada SSC ayaa maanta saxaafadda qaarkood kula hadlay magaalada Hargeysa.

Sida ka muuqata waraysiga, Garaadku wuxuu ka hadlay qodobo dhawr ah oo ah kuwo hadda ka taagan degaanada SSC, balse ma jiro wax cusub ama xiiso gaar ah yeelan kara oo uu carrabka ku dhuftay.  Ma cadda ujeedada uu ka lahaa Garaadku waraysigan, haseyeeshee waxaa laga dhadhansan karayaa inay ahayd munaasabad gacan haadis u ah Madaxweyne Muuse Biixi iyo Kornayl Maxamed Kaahin oo uu Garaadku carrabka ku ballaadhinayey in Xukuumad ahaan loola shaqeeyo.  Dhanka kale, wuxuu Garaadku si gooni ah amaan ugu miisay Kornayl Maxamed Kaahin oo uu ku sheegay nin “Khabiir” ku ah dhaqanka.

Garaad Jaamac oo looga bartay degenaansho siyaasadeed iyo inaanu ka ag fogaanin cidda haysa maamulka ayay hadda u muuqataa inuu ka soo galgalanayo dhufayskii mucaaradka WADDANI ee doorashadii lagu jebiyey, doonayona in bog cusub looga furo Madaxtooyada Biixi.

HALKAN HOOSE KA DAAWO WARAYSIGII GARAAD JAAMAC:

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin