DAAWO – LAASCAANOOD: GUDOOMIYE BAASHE OO SOCOD KU TEGEY GOOBAHA CODBIXINTA, DADWEYNAHA OO BOGAADIYEY GUDDIGA DOORASHOOYINKA

Filed under: Wararka |

Gudoomiyaha Golaha Golaha wakiilada, Mudane Baashe Maxamed Faarax, ayaa booqasho ku tegey goobo ka tirsan goobaha codbixinta ee Degmada Laascaanood.  Gudoomiyaha oo intii uu booqashada kormeerka ah ku jirey u kuur galeyey sida ay doorashadu uga socoto goobaha uu cagta ku soo dhuftay ayaa ku tilmaamay inay si habsami leh ilaa hadda u socoto hawsha codbixintu.

Dadweynaha degmada Laascaanood ee ay bartan laascaanood.com waraysatay ayaa si isku mis ah u tilmaamay inay si weyn ugu bogaadinayo Hawlwadeenada iyo Guddiga Doorashada sida tayada leh ee ay u maamuleen keenista sanaaduuqda, xilliga furitaanka iyo habsami u maaraynta safafka.

Doorashada ayaa si deggan uga bilaabantaya goobaha gobolka Sool dhammaantood marka laga reebo saddex goobood oo aanay ilaa hadda si cad u xaqiijin joojintooda Guddiga Doorashadu.  Mana jiro wax war ah oo rasmi ah oo saddexdaasi goobood ku saabsan.

It's only fair to share...Share on FacebookShare on Google+Tweet about this on TwitterShare on LinkedIn

LONDON: KHUDBADDII FARMAAJO

LONDON: KHUDBADDII FARMAAJO

DANAB OO SAANAD IYO GAADIID LA SIIYEY

DANAB OO SAANAD IYO GAADIID LA SIIYEY

WUXUU BILADO KU QAATAY AFGAANISTAAN, WAXAASE LAGU AFGOOYE

WUXUU BILADO KU QAATAY AFGAANISTAAN, WAXAASE LAGU AFGOOYE

shir-jaraaid

shir-jaraaid
Posted by on 13th November 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.