DAAWO, TAALADA SHUHADADA IMAARAADKA IYO FARMAAJO

Filed under: Wararka |

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi “Farmaajo” oo booqasho ku jooga dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa booqday Taallada loo dhisay in lagu xasuusto Shuhadada Ciidamada Imaaraadka ee loo yaqaano Waaxatu Karaama.

Madaxweynaha ayaa waxaa booqashadiisa ku wehliyay Sheekh Khalifa Bin Dhahnuun bin Mahamed Alnahyan oo ah Agaasimaha arrimaha Qoysaska Shuhadada ee diiwaanka dhaxal sugaha Imaaraadka Carabta, wuxuuna Madaxweynuhu halkaa salaan sharaf uu kaga qaatay ciidamada, kadibna waxa uu ubax xasuus ah dhigay Taallada Shuhadadaasi oo ah mid aad u balaaran kana kooban Alwaax Aluminihyom ah.

Taalladaasi uu Madaxweynaha Maxamed C/llaahi Farmaajo Ubaxa xusuusta dhigay waxay kaloo ka tarjumaysaa midnimada hogaanka dalkaasi kan shacabka iyo Ciidamada geesiyaasha ah ee dalkaasi isutagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Soomaaliya intii uu kormeerayay Taaladaasi xusuusta ah wuxuu ku soo wareegay dhamaan qeybaha ay ka kooban tahay, wuxuuna warbxin ku saabsan qeybaha kala duwan ee Taaladaasi xushmada iyo qiimaha ay uga fadhido shacabka dalkaasi uu kaga dhageystay Sheekh Khalifa Bin Dhahnuun bin Mahamed Alnahyan oo ah Agaasimaha arrimaha Qoysaska Shuhadada ee diiwaanka dhaxal sugaha Imaaraadka Carabta.

It's only fair to share...Share on FacebookShare on Google+Tweet about this on TwitterShare on LinkedIn

LONDON: KHUDBADDII FARMAAJO

LONDON: KHUDBADDII FARMAAJO

DANAB OO SAANAD IYO GAADIID LA SIIYEY

DANAB OO SAANAD IYO GAADIID LA SIIYEY

WUXUU BILADO KU QAATAY AFGAANISTAAN, WAXAASE LAGU AFGOOYE

WUXUU BILADO KU QAATAY AFGAANISTAAN, WAXAASE LAGU AFGOOYE

shir-jaraaid

shir-jaraaid
Posted by on 21st November 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.