DAAWO, XAALADDA JIGJIGA OO WELI QASAN

0
154

Rasaas goosgoos ah ayaa laga maqlay badhtamaha magaalada Jigjiga xilli ay xarumaha Dawladda xoog kula wareegeen Ciidamo u badan qawmiyadda Oromo oo ku socdey magaca Dawladda

Madaxweyne Iley ayaa la sheegay inuu dhex fadhiyo Saldhigga Liyu Booliska ee Jigjiga, halka dadweyne cadhaysani ku qamaameen Ciidamadii Federalka kalana hortageen Mudaharaad.  Wararka qaarkood ayaa sheegaya in la gubey Kiniisad  markaana la bililiqaystay  meherado ay lahaayeen dad Ethiopian ah balse aan u dhalan qawmiyadda Soomaalida. Goobaha la bililiqaystay waxaa la tilmaamay inay ku jiraan ugu yaraan hal Bangi.

Saraakiil sare oo ka tirsan Xukuumadda iyo Baarlamaanka dadweynaha la hadlay kuna guubaabiyey inay ka hortagaan lana dagaalamaan ciidamada qabsaday magaalada si ay u difaacdaan sharaftooda iyo dhulkooda.

Ciidamada Liyuu Booliska ayay wararka qaar tilmaamayaan inay magaalada ka baxeen iyadoo aan la garanayn goobta ay u guureen.

HALKAN HOOSE KA DAAWO GUUBAABADII MADAXDA KILILKU DIRTAY:

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin