HALIS: “SIYAASADDII DHAGARAYSNAYD EE PUNTLAND IYO SOMALILAND EE DEGAANADA IYO DADKA SSC IYO MAAKHIR HADDA UUN BAY SALDHIGTAY” – Qaybtii Koowaad.

Filed under: Articles,TIFAFTIRKA/EDITORIAL,Wararka |

“Somaliland dhulkay doonaysaa dadkiisana ma jecla, Puntlandna dadkay sheegataa dhulkiisase ma jecla”

Degaanada SSC iyo MAAKHIR waa degaano haddii labada maamul ee Garowe iyo Hargeysa laga dhex saaro khariidadaha ay samaysteen markiiba aad dareemayso inay farahooda ku soo hadhayaan degmooyin kooban oo reeraysan.  Degaanadaasi haddii Somaliland laga saaro waxaa bedka dhulkeeda ka go’aya boqolkiiba in ka badan afartan [42%]. Dhanka kale waxaa dad ahaan Somaliland isugu soo hadhaya beelaha soomaaliyeed ee lagu magacaabo Dir-Woqooyi. Waxaa markiiba hawada raacaysa doodii ahayd Jamhuuriyadda eek u dhisnayd dhulkii iyo dadkii Isticmaarkii Ingiriisku isku wada gumeysan jirey.  Waxaa halkaa ku galbanaya qiilkii ugu weynaa ee gooni isu taagga Somaliland. Faaqidi mayno dhaqdhaqaaqa nololeed ee kale, dhaqaalaha iyo baxaanbaxa kale ee Somaliland ka shiiqaya haddii ay degaanadaasi waayaan.

Dhanka kale, xaaladaha Puntland waxba kagama duwana  Somaliland.  In ka badan rubuc [29%] bedka dhuleed ee Dawladgoboleedku waa is dhimayaa, sidoo kalena waxaa gaasirmaya magacii Harti ee beesha udub dhexaadka u ah Puntland kaga soo cad goosan jirtey xukumka iyo xoolaha Muqdisho lagu qaybsado.

Halkaa waxaa kaaga muuqanaysa in Somaliland, ugu yaraan, u baahantahay degaanadan khariidad ahaan si ay u sheegato “Dhulkii Ingiriisku xukumi jirey”. Mar kasta oo Saraakiisha Somaliland sheeganayso degaanadaasi waxay ka hadlaan “Xuduudda”, ka hadalka dadku waa dhif iyo nadir. Dhanka kalena Puntland waxay ku caano maashaa una baahantahay dadkaas deggan dhulkaas si uu ugu buuxsamo doobiga siyaasadeed ee Harti-ku-maalka ah ee Beesha Majeerteen looga marti yahay.  Waxaa jirtey qaacido [Formula] siyaasadeed oo caan ka ah degaanada SSC, lana weriyo inuu Prof Cali Khaliif Galaydh curiyey, waxayna ku qotontaa oo si xaqiiqo ah oo gaaban u dhigaysaa qodobkan aynu maanta, halkan, ku faalaynayno.  Waxay qaacidadaasi ku koobantahay “Iidoor dhulkuu doonayaa ee dadka ma rabo, Majeerteena dadkuu sheeganayaa ee dhulka ma rabo!.”   Wax badan baa ka run ah warkaas.  Puntland mar kasta waxay ku qayb qaadataa sheegashada dadka degaanadaas, haseyeeshee dhulkii way ka huleeshay oo si rasmi ah ayay uga qalab urursatay. Somaliland xoog bay ku soo gashay dhulkaas, waxayna gacanta ku haysaa dhul dadkii lahaa qaxay, la weeraray ama daaduun ku dhex wareegayo.  Waxaa si fiican oo aan qarqarsi lahayn u dhigay Xaaji Cabdi Waraabe.  Isagoo u hanjabaya Cali Khaliif wuxuu bishii January, 2012 saxaafadda u soo mariyey “Caliyoow hadda dhulku ma guuree, dadkaa guura”.  Sidii ayay u dhacday…….Hadda labadii dawladood, Puntland iyo Somaliland, waa heshiis mid walbana wuxuu doonayey ayuu helay.  Somaliland dhulkii oo Alle uga qaxiyey rabshoolayaashii deganaa ayay haysataa….Puntlandna waxaa loo ictiraafay inay dhulkaa dad ahaan iyadu wakiil ka tahay leedahayna saxiixa ugu dambeeya ee masiirkooda – Eeg heshiiskii Federaalka.

Labadii maamul way u ahaatay.  Mid walba wuxuu jantay ayuu haystaa. Siyaasaddii labada Maamul ee degaanada SSC iyo Maakhir hadda uun bay dabada meel la heshay.

LA SOCO FAALLOOYINKA TIFAFTIRKA EE SOO SOCDA

It's only fair to share...Share on FacebookShare on Google+Tweet about this on TwitterShare on LinkedIn

LONDON: KHUDBADDII FARMAAJO

LONDON: KHUDBADDII FARMAAJO

DANAB OO SAANAD IYO GAADIID LA SIIYEY

DANAB OO SAANAD IYO GAADIID LA SIIYEY

WUXUU BILADO KU QAATAY AFGAANISTAAN, WAXAASE LAGU AFGOOYE

WUXUU BILADO KU QAATAY AFGAANISTAAN, WAXAASE LAGU AFGOOYE

shir-jaraaid

shir-jaraaid
Posted by on 23rd July 2016. Filed under Articles, TIFAFTIRKA/EDITORIAL, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.