GABADH LAGU EEDEEYEY INAY MIDNIMADA SOOMAALIDA TAAGEERTO, XABSI DHEER OO LAGU XUKUMAY

0
129

Maxkamadda Gobolka Maroodijeex ee Somaliland, ayaa xukun ku riday Naciimo Qorane oo ah gabadh dhalinyaro ah oo baraha Bulshada wax ku qorta.

Maxkamadda ayaa maanta ku dhawaaqday in saddex sano oo xabsi ah ay ku xukunbtay Naciimo, oo eedeynteeda ay aheyd Qaran dumis, sida maxkamdda ay meesha ka sheegtay.

Qareennadii u doodayey Naciima Qorane waxaa ay sharci-darro ku tilmaameen go’aanka maxkamadda iyaga oo intaasi raaciyay  in ay racfaan ka qaadan doonaan.

Qareennada  waxay maxkamadda Hargeysa u gudbiyeen codsi ay kaga dalbanayaan in la baadho tacaddiyo ay sheegeen in ciidanka Sirdoonka Somaliland iyo Boolisku u gaysteen Naciima Qorane muddadii ay gacantooda ku jirtay.

Abwaan Naciima, oo horay loo xiray January ayey maxkamadda ku heshay in ay aflagaadeysay laamaha kala duwan ee dawladda Somaliland.

Naciimo waxaa ay qortaa farriimo ka hadlaya midnimada Somaliland, arrintaas oo xagjir ku tahay.

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin