HARGEYSA: ITOOBIYAAN LA KHAARAJIYEY, GOOB LAGA QAATO BAASABOORKA SOMALIGA AH OO LA WEERARY

0
1757
SANYO DIGITAL CAMERA

Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in tahriibe ka soo jeeda dalka Itoobiya ay tooagsho ku dileen ciidamada Booliska Somaliland kadib markii uu isku dayey inuu ciidamada ka baxsado.

Taliyaha Laanta socdaalka Gabiley ee qaabilsan Xuduudka Togwajaale, Cabdirashiid Axmed Xasan, ayaa sheegay in tahriibaha Itoobiyaanka ah oo kasoo jeeday Qawmiyada Oromada ee dalka Itoobiya uu ku Geeriyooday Togwajaale, kaddib markii uu ay haleeshay rasaas lagu riday xilli uu isku dayay inuu iidanka Booliska ka baxsado.

Cabdirashiid Axmed Xasan, Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley, oo Warbaahinta Dawladda Somaliand la hadlay ayaa sheegay in Geerida Ninka Tahriibaha ah timid kaddib markii uu isku dayay in uu Booliska ka baxsado.

Booliska ayaa ka war helay goob ay ku suganyihiin Tahriibayaal Itoobiyaan ah oo ku sugan Tog-Wajaale,waxaana markii ay tahriibarayaasha ka war heleen in Boolis ku soo socdo isku dayeen in ay ka baxsadaan halkii ay ku sugnaayeen sidaasna rasaas loogu furay uu ku dhintay Nin u dhashay Oromada Itoobiya.

Dhanka kale, Dawladda Somaliland ayaa xabsiga dhigay rag lagu qabtay iyagoo Baasaboorka Soomaaliga ku sameynaya Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.

Saraakiisha ciidamada Booliska Soomaaliland ayaa waxa ay sheegeen in raggaan oo gaaraya ilaa 5 iyaga iyo qalab ay wateen gacanta ku dhigeyn,isla markaana ay ku jiraan Xabsiga Hargeysa.

Xogaha ka imanaya Hargeysa ayaa waxay sheegayaan in raggaan ay tahay markii labaad oo la qabto,waxana horay usii daayey masuuliyiin ka tirsan Maamulkaasi soomaaliland.

Xukuumada Somaliland wali kama hadlin talaabada ay ciidamada boolisku ku soo qabteen ragaan ku eedaysan inay baasaaboorka soomaaliya ku samaynayeen gudaha magaalada Hargeysa.

Degaanada Somaliland ayaa waxaa ka mamnuuc ah in lagu sameeyo Baasaboorka Soomaaliga,maadaama Somaliland ay sheegtay in ay ka go’aday Soomaaliya inteeda kale.

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin