HAWEENEY HUB U KAYDIN JIRTEY ALSHABAAB OO LA XUKUMAY

0
78

Basra Maxamed Cali Warsame ayaa 21kii May ee sanadkan   ciidamada amniga ka soo qabteen xaafadda Suuqa-xoolaha ee degmada Hilwaa, waxayna xilligaas ciidamada Amniga helaan xog  sheegaysa  in haweeneyda ay u aheyd keyd haayaha hubka sida  Bistooladaha iyo Bam-booyinka Alshabaab sida ay sheegeen saraakiisha Maxkamada.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa loo soo gudbiyay eed ka dhan ah eedeysanaha,   wixii xilligaas ka dambeeyay ayay xafiiska Xeer ilaalinta isku howleen  jiritaanka eedda ka dhanka ah eedeysanaha, 15 bishii July ee sanadkan ayay soo gaba-gabeeyeen baaristooda,  waxaana ay weydiisteen garsoorayaasha  Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida in la muddeeyo dhageysiga  waqti qaadista eedda ka dhanka ah eedeysane Basra Maxamed Cali Warsame.

28kii bisha July ee sanadkan ayay ogolaatay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida in loo fariisto eedda ka dhanka ah eedeysane Basra Maxamed Cali Warsame, waxaana ay dhageysteen  garsoorayaasha eedda ka dhanka ah Basra, waxaa sidoo kale fursad loo siiyay Qareenada difaacayay eedeysanaha in iyana soo bandhigeen sharciyada ay ku diidanaayeen eedda ka dhanka ah Basra Maxamed Cali Warsame.

Gaashaanle Dhaxe Xasan Cabdiraxmaan Aadan (Wabiyow)  oo kamid ah garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada ayaa xilligaas u sheegay dhinacyada dacwadda in dib la isugu soo noqon doono oo ay jirto fadhiya  kale xilligaas oo laga dalbaday xafiiska xeer ilaalinta in ay soo dhameystiraan cadeymaha eedeysanaha.

4tii bishan aynu  ku jirno ayaa markale la isugu soo noqday fadhiga Maxkmadda, wax yaabaha dheeraadka oo ay xafiiska xeer ilaalinta  soo bandhigeen waxaa kamid ah In eedeysanaha seygeeda oo lagu magacaabi jiray Liibaan Maxamed Cabdikariin (Liibaan Jaraaye) uu ahaa Alshabaab, sanad iyo bar ka horna uu ugu  dhintay qarax uu waday degmada Hilwaa, waxaa sidoo kale ay soo bandhigeen cadeymo kale oo muujinayo in wixii xilligaas ka dambeeyay nin lagu magacaabo khaalid uu ku qanciyay shaqada ay u heeysay Alshabaab.

Ugu dambeyn garsoorayaasha ayaa go’aan ku gaaray iyagoo eegaya qiraalka eedeysanaha, ka war-celinta jawaabaha ay ku cadeysay garsooraka hortiisa, dhageysiga markaatiyaal uu kamid yahay baaraha kiiska in Maxkamadda Ciidamada Basra Maxamed Cali  Warsame  ay ku xukuntay Shan sano oo xabsi Ciidan ah, sida uu u sheegay dhammaan ka qeyb galayaasha Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan (Wabiyow)  oo kamid ah garsoorayaasha Maxkamadda Darajada kooweed ee Ciidamada Qalabka Sida.

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin