KENYA OO WALAAC KA MUUJISAY KHILAAFKA IMAARAADKA IYO FEDERAALKA

0
42

Warbaahinta dowladda Kenya ayaa sheegtay in dowladda Kenya ay ka walaacsan tahay khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Wargeyska The Nation ayaa sheegay in dowladda Kenya ay si weyn uga walaacsan tahay Khilaafka sii xumaanaya ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Wargeysku wuxuu sheegay in dowladda Kenya ay Aamin san tahay in tartanka ay ugu jiraan Sdowladdaha Carbeed uu sameyn weyn uu ku yeelan doono howlgalka Nabaddeynta Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda Kenya ayaa sheegay in ay wanaagsan tahay in Soomaaliya la ilaaliyo Madax banaanideeda, islamarkaana laga joojiyo faragelinta.

Dhawaan Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in faragelinta Shisheeye ay sameyn ku yeelan doonto howlgallada Ciidamada AMISOM ee ka socda Soomaaliya.

Iimaaraadka ayaa hadal ay soo saareen ku sheegay inay joojiyeen hawlihii la xiriiray tababarrada milateriga ee ay soo wadeen tan iyo 2014.  Waxay kaloo Iimaaraadku bixin jireen mushaarka ciidamo ay iyagu tababareen.

Cilaaqaadka labada dal ayaa xumaaday ka dib markii magaalada Muqdisho lagu qabtay lacag lagu qiyaasay in ka badan 9 Malyan oo Doollar oo lagu keenay diyaarad ay Iimaaraadku lahaayeen. Dawladda Soomaaliya ayaa lacagtaas la wareegtay.

Iimaaraadka ayaa hadal ay soo saareen dhawaan ku sheegay inay joojiyeen hawlihii la xiriiray tababarrada milateriga ee ay soo wadeen tan iyo 2014.

Soomaaliya oo in muddo ah ku dadaalaysay in aysan qayb ka noqon xurgufta u dhaxaysa dalalka khaliijka, ayey iminka u muuqataa inaysan sinaba uga fursan doonin, bacdamaa marka dib loo tixraaco cilaaqaadka sii xumaanaya uu salka la galayo arrimo aan ka fogayn saamaynta Turkiga iyo Qatar oo dhinac ah ay ku leeyihiin siyaasadda Soomaaliya

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin