KHAYRE OO JAWAARI GURIGIISA KU SOO BOOQDAY [VIDEO]: AAN ISA SAAMAXNO

0
167

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Somalia, Muadne Xasan Cali Kheyre, ayaa xalay hoygiisa ku soo booqday Gudoomiyihii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya, Mudane Jawaari, oo shalay ku dhawaaqay inuu iska casilayo xilka Gudoomiyaha oo uu hayay wax ka badan shan sanadood.

Kheyre ayaa booqasho Salaan iyo isa saamixid eheyd ugu tegey Jawaari oo uu kala dhexeeyay Khilaaf salka ku hayay Mooshinka laga keenay Gudoomiye Jawaari 14-Kii Bishii hore.

Jawaari ayaa dhowr jeer oo hore ku eedeyay Ra’iisul Wasaaraha Somaliya inuu hormood ka yahay Mooshinkii isaga ka dhanka ahaa iyo ciidamadii la duldhigay Xarunta Golaha Shacabka, wuxuuna Jawaari sheegay in Xukuumaddu faragalin qaawan ku heysey  Sharci dejinta.

Sawirkan Tilifoonka Gacanta lagu qaaday oo baraha Bulshada la soo dhigay ayaa Muujinaya Khayre iyo Jawaari oo is gacan qaadaya iyagoo labadooda gacan oo isku jira sare u qaadaya, Labadan Masuul ayaa sidoo kale laga dheehanayey wajiyadooda niyad sami.

Qaar kamid ah Xubnihii goobjooga ka ahaa Kulanka ayaa sheegay inuu Khayre u qiray Jawaari inuu kaalin muuqata ka soo qaatay horumarinta dawladnimada Somaliya iyo meelmarinta xukuuamdiisa maadaama Golaha Shacabka ay ahaayeen kuwii meel marinayay Hindise Sharciyeedyada ay soo saaraan Golaha Xukuumaddu.

Maanta ayaa la filayaa in Jawaari khudbad sagootin ah u jeediyo Golaha Shacabka taasoo ku saabsan iscasilaadiisa iyo dardaaran guud, waxaa jira warar sheegaya inay suuragal tahay in kulanka maantauu goobjoog ka ahaado Xasan Cali Khayre.

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin