LAASCAANOOD, DAAWO GARAAD JAAMAC: “HADDAYDAAN NABADDA QAADAN RAGGIINA HALKAA FADHIYA IN BADAN BAA…”

0
259

Garaad Jaamac Garaad Ismaacill oo ka mid ah isimada caanka ah ee Beesha Sool, Sanaag iyo Cayn [SSC] ayaa maanta digniin culus siiyey cuqaasha iyo waxgaradka labada beelood ee muddo dheer ku dagaalamyey degaano ku yaalla Koofurta Gobolka Sool.

 

Garaadka oo si toos ah ula hadlayey guurtida beelaha Cabdi Garaad iyo Maxamed Garaad ee shaqaadu ka dhex oogantahay ayaa ku guhaamay intii ka fadhiday madasha in haddii ay nabadda qaadan waayaan Eebe ka daba tuuro intii Aakhiro aadey ee colaadahan ku dhimatay.  “[Hore waxaan u idhi] Rag halkaa fdhiya oo guurti ah oo nin garbood ah oo cuqaal ah baa ku dhimanaya haddii aydaan maanta nabaddaas qaadan, waana dhacday oo rag aan halkaa iiga muuqan oo maanta Aakhiro jooga ayaa jira” ayuu Garaad Jaamac tilmaamay, wuxuuna intaasi ku sii daray “Haddeerna, haddaydaan Wallaahi qaadan oo is daba qaban, intiinaas halkaa fadhida rag badan baa ka daba tegi doona”.

HALKAN HOOSE KA DAAWO KHUDBADDII GARAAD JAAMAC G. ISMAACIIL:

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin