MHIIM: SUCUUDIGA OO DIYAARAD KHAAS AH U SOO DIRAY MUQDISHO, KHAYRE IYO WEFDI LA SOCDA OO RIYADH U DHOOFAY

0
74

Ra’iisalwasaaraha Federaalka, Mudane Khayre, Wasiirro iyo Xildhibaano ayaa maanta ka dhoofay Garoonka Muqdisho iyagoo u sii jeeda dalka Sucuudiga.

Booqashadan oo lagu sheegay mid rasmi ah kana dambeysey marti qaad Dawladda Federaalku ka heshay Boqor Salmaanka Boqortooyada Sucuudiga ayaa lagu sheegay inay qaadan doonto muddo laba maalmood ah.

Wefdiga Soomaalida ayaa saaka ka raacay Garoonka Aadan Cadde diyaarad khaas ah oo Boqorka Sucuudigu u soo diray iyadoo wasiirada ku wehelinaya safarkan Mudane Khayre ay kala yihiin Wasiirada Arrimaha Dibedda, Ganacsiga iyo Warfaafinta.

Hadal kooban oo la soo dheegtey Wasiirka Warfaafinta Federaalka, Mudane Geelle, ayaa lagu sheegay in ujeedada booqashadani tahay “sii xoojinta xidhiidhka walaalnimo ee labada dal”.

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin