MUHIIM, DAAWO SANAAG – PUNTLAND OO KOR U QAADAY MASHAARIICDA HORUMARINEED EE GOBOLKA SANAAG: SHALAY DAMALA XAGARRE, MAANTANA BALLI BUSLE

Filed under: Wararka |

Hay,adda ARC iyo Wasaarada Degaanka iyo duurjoogta Puntland ayaa Magalada Bali-busle ka dhagax dhigay biyo Xireen Qaadaya 45,000 (Afartan & Shan kun) oo foosto kaas oo laga bilaabay shalay gelinkii dame duleedka Magaalada Balibusle Ee Gobolka Hayland.

Dhagaxdhigii Mashruucan waxaa ka soo qaybgalay Xubno kala ah Isuduwaha Wasaarada Degaanka iyo duur joogta, Badhasaabka Gobolka Hayland, Maayarka Degaanka Balibusle Ee Gobolka Hayland iyo Masuuliyiinta Hay,adda ARC.

Biyo Xireenka ayaa kufadhiya dhooxa Wayn oo balaceedu aad u balaadhanyahay taas oo fursad siinaysa Xiliyada roobka In looga faaideysto biyaha roobka oo Xiliyo badan lugu baahi beelidoono.

Ugu horrayn Waxaa goobtan ka hadlay Isla markaana ka hadlay ahmiyada iyo faiidiyonka Haradan Casriga ah u leedahay bulshada Mandaqada C/weli Aadan oo ahaa Masuulka ka socdey Hay’adda ARC ee American Refugee Commettee, wuxuu sheegay in mashruucani oo yahay mid uga baahan bulshada Degaanka in la ilaashado oo aan la dayocin marka la dhamaystiro.

Xubno ka mida Qandaraas layaasha Mashruuca oo ah Shirkadda Sanaag Contracture Campny oo fulineysa howshan ayaa sheegay iyo Odayaasha Degaanka iyo bulshadaba kawada shaqayn donaan arrintan.

Gudoomiyaha Gobolka Hayland, Mudane Maxamed Cawil C/laahi, ayaa uga Mahadceliyey Wasaarada Degaanka ,Masuuliyiinta Hay,adda iyo dhamaan bulshada Degaanka siday uga wadda shaqaynayaan horumarka Biyo xireenkan oo Ahmiyad Weyn ugu fadhiya bulshada Gobolka gaar ahaan goobtan iyo Nawaaxigeeda oo ay ka ag dhow-dhowyihiin Xoola dhaqatada miyigu.

It's only fair to share...Share on FacebookShare on Google+Tweet about this on TwitterShare on LinkedIn

LONDON: KHUDBADDII FARMAAJO

LONDON: KHUDBADDII FARMAAJO

DANAB OO SAANAD IYO GAADIID LA SIIYEY

DANAB OO SAANAD IYO GAADIID LA SIIYEY

WUXUU BILADO KU QAATAY AFGAANISTAAN, WAXAASE LAGU AFGOOYE

WUXUU BILADO KU QAATAY AFGAANISTAAN, WAXAASE LAGU AFGOOYE

shir-jaraaid

shir-jaraaid
Posted by on 26th November 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.