MUHIIM, XAALADDA JIIDDA TUKARAQ: ISUSOCODKA OO PUNTLAND AMARRO KA SOO SAARTAY

0
1378

Qoraal kasoo baxay Guddiga Difaaca Puntland ayaa lagu amray shacabweynaha, dhammaan laamaha amniga ee dawladda, iyo Taliska Ciidanka Booliska Puntland inay fuliyaan amaro ku saabsan isu socodka wadada u dhaxaysa Garoowe iyo Laascaanood gaar ahaan goobaha ay isku horfadhiyaan ciidamada kala taabacsan Puntland iyo Somaliland ee deegaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool.

Qoraalka guddiga ayaa si gaar ah loogu tilmaamay in la xanibo gadiidka shidaalka sida ee isaga kala goosha Laascaanood iyo Garowe, iyo in gabi ahaanba laga celiyo shacabka u socda ama tagaya goobaha colaadu ka jirto.

Deegaanka Tuka-raq oo ay isku horfadhiyaan ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Somaliland ayaa laga dareemayaa saansaan colaadeed, Iyadoo laga cabsi qabo dagaalo ka dhex qarxi kara labada dhinac xilli kasta.

HALKAN HOOSE KA AKHRISO QORAALKA:

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin