QAYLODHAAN IYO COLAAD SANAAG KA SOO YEEDHAY, HAWEEN LA QIXIYEY

0
135

Haweenka degaanka Ceeryaan, oo qaar ka mid ahi degaankaasi ka soo qaxeen, ayaa qaylodhaan ku saabsan gurmad dhanka nabadgelyada ah u diray Madaxweyne Biixi.

Haweenkan oo isugu yimi fagaare Degmada Ceerigaabo ku yaal oo ay si wadajir ah ugu qabteen kulan saxaafadeed ayaa bedka soo dhigay tacadiyo foolxun oo ay sheegeen in ay haweenka iyo caruurtu kala kulmaan Maleeshiyo Beeleed isku urursatay degaanka Ceeryaan iyo Dambiileyaal laga soo daayey xabsiga dhowaan oo dhammaantood isku beel ah.

Waxay ku muusanaabeen in si joogto ah loogula kaco falal lagu barakiciyey iyadoo khasaare loo geystey hantidoodii iyo amnigoodii. “Jabhadda Ceeryaan ku hubaysan waxay sameeyeen reerkii gurigiisa nabad ugu soo hoydey in afka la iska taago, in rasaas lagu bilaabo.  In caruur [iyo] dumar midna loo aaba yeelin….In taangiyadii biyaha lagu shubanayey xabbado iyo faashash loo adeegsado, in beerihii raashinka laga goosanayey cagta la mariyo.  In reero lagu soo raro guryihii reeruhu yaaleen, oo baabuur loo dalbado, oo dhinac walba lagaga furo.  In maatadii laga qixiyey, markii rasaastii ay waayeen wax jiifsadaba” ayay haweenku si dhiilo leh ugu cataabeen.

HALKAN HOOSE KA DAAWO WARKA QAYLODHAANTA CEERYAAN:

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin