RA’YI. AADAN WAAYEEL: MAAYARKA LAASCAANOOD WAA MAAYARKII WAXQABADKA

0
202

Tan iyo intii uu xilka la wareegay Mudane Abdicasiss Xuseen Taarwale, waxa uu ku dhiiraday horumarinta Degmada Laascaanood.

Waxaa si xawli ah oo dar dar ku jirto u socda horumarka magalada las-anod ee xarunta gobolka sool horumarkaas oo hormuud uu ka yahay maayar aqoon iyo waaya arag ah.

Waxa uu hormariyey dhamaan arimaha bulshada, waxa uu hirgaliyey nidaam casri ah oo ay ku shaqeyso degmada Laascaanood. Waxa uu fursad u abuuray dhalinyartii, sida garoomada kubada cagta iyo koleyga oo u dib dhis ku sameeyey. Taasi waxay raja gelisay oo helay meelo ay ku ciyaaraan. Waxa uu ku dhiiraday inuu dhiso garoon Casri ah oo ay leedahay magalaada Laascaanood.

Waxa aad ii soo jiitay Garoonka kubada cagta ee uu ka hirgeliyey degmada Laascaanood, dhalinyarta deegaanku abaal weyn bay ugu hayaan.

Bilicda magaalada ayaa kor loo qaaday, wadooyinka oo uu ku xidhay laydh iyo nadaafada magaalada oo uu kor u qaaday. Laascaanood waa magaalada ugu Bilic wanaagsan xaga nadaafada iyo wadooyinka ee Somaliland.

Waxa uu dhiiri galiyey qurba joogta inay maalgashadaan deegaankooda, waxa kor u kacay ganacsiga deegaanka.

Maayar Abdicasis waxa uu kor u qaaday aqoonta shaqaalaha ee dawlada hoose isagoo u furay siminaaro iyo aqoon kordhsi.

Ugu dambeyntii, iyadoo aanan qoraalkan lagu soo koobi karin horumarka baaxada weyn leh  ee Laascaanood ku taalaabsatay. Waxaan rajeynayaa in sanadkan horumar kan ka balaadhan ay gaadho Laascaanood.

Alaah Mahad Leh

Qore K A A

waayeel23@hotmail.co.uk

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin