SALDHIGII CIIDANKA CIRKA EE BALLIDOOGLE OO DIBUDHIS BALLADHAN LAGU SAMEEYEY DAAWO/AKHRISO

0
168
"The Hangar" at MCAF Beledogle Somalia. Operation Restore Hope. Marines from the Air Combat Element (ACE) of Marine Forces Somalia cleared out tons of debris, dirt, and bats that had inhabited the hangar. This structure served as the ACE Headquarters building and maintenance facility.

Dawladda Mareykanka ayaa dib u dhis iyo ballaadhin ku sameysay Saldhigga  Ciidanka Cirka ee Balli doogle, kuna yaalla Gobolka Shabeellaha hoose ee Soomaaliya.

Wargeyska  Vice News ,ayaa sheegay in Mareykanka uu ballaadhiyay Garoonka Balli doogle ee Gobolka Shabeellaha hoose,waxaana warbixinta xustay in ujeedado tahaya la dagaallanka Argagixisada waxa uu u yaqaan Mareykanka.

Saxafiyadda warbixinta qortay ayaa sheegtay in dawladda Mareykanka ay ballaadhisay dhismaha garoonka Milleteriga Ballidoogle oo loo rogay saldhig weyn, dhismayaasha ku dhax yaal saldhigga waxaa lagu diyaariyay inka badan 800 oo sariirood,in kabadn 200 oo ka mid ah sariirahaas waa la dhameystiray, waxaana la filayaa in sariirahaas ay jiifsadaan askar iyo saraakiil American ah.

Melleteriga Mareykanka ayaa si qarsoodi ah Balidoogle uga dhigay saldhigga sedaxaad ee ugu weyn Saldhigyada milleteri ee Qaaradda Afrika marka laga reebo saldhigyadiisa kuyaalal Jabuuti iyo Niger.

Qandaraaslayaal  Melleteri oo American ah ayaa Vice News u xaqiijiyay in dhismaha saldhigga Balli doogle uu ahaa mid qarsoodi ah soona billaawday Bishii January 2017.

Saldhiggan waxaa markiisii hore sameeyay Midowgii Soviet-ka, waxaana hadda horumarin iyo dib u dayactir ku haya qandaraalayaal Mareykan ah.

Saraakiisha AFRICOM ee ku sugan wadanka Jabuuti ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan dib u dhiska saldhigga Balli Doogle balse Qandaraaslayaasha Milleteri ee ka qeyb qaatay dhismaha saldhiggan qarsoodida ah ayaa xaqiijiyay in uu jiro dhaq dhaqaaq xooggan oo Mareykanku ku doonayo in uu ku xoojiyo howlgallada uu ka wado Soomaaliya.

Tan iyo markii uu talada Mareykanka la wareegay Donald Trump, wuxuu Mareykanka, Soomaaliya ka geystay 48 weerar oo dhinaca cirka ah,waxaana uu sare u qaaday howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee uu ka wado Soomaaliya.

Askari ka mid ah Soomaalida joogta Balli Doogle ayaa u sheegay Vice News in Maalin kasta ay diyaarado dagaal ka dhoofaan kuna degaan Garoonka kuwaas oo ay leedahay Dawladda Mareykanku.

Dawladda Mareykanka ayaa hore u sheegtay in markii ugu horreysay ciidamo gaadhay 500 oo Mareykan ah ay joogaan dhulka, kuwaasoo meelaha qaar kula dagaallama Al-shabaab, sidoo kalena la taliyayaal dhinaca amaanka ahna u ah AMISOM iyo dawladda Soomaaliya.

Warbixintan waxaa lagu sheegay in Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanku ay maalgelisay dib u dhiska iyo ballaadhinta lagu sameeyay Balli doogle,waxaana heerka ballaadhinta lagu sheegay labo jibbaar intii uu ahaa markii hore.

2006dii hawlgallada Mareykanka ee Caalamka qaaradda Afrika waxay ka hayd kaliya 1%, halka 2017 ay gaadhay 17%,taasoo markhaati ka ah sida Mareykanku sare ugu qaaday hawlgalkiisa Qaaradda Afrika.

http://www.mustaqbalradio.com/wp-content/uploads/2018/05/

http://somalimemo24.com/sawirro/

http://somalimemo24.com/sawirro/

http://somalimemo24.com/sawirro/

http://somalimemo24.com/sawirro/

http://somalimemo24.com/sawirro/

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin