SHEEKADA MORGAN [DAAWO]: MA BADEECAD WAKHTIGEEDII DHACAYBAA?

0
386

Wuxuu ka soo degey diyaarad yar iyadoo ay Garoonka Boosaaso ku sugayaan dadweyne sita caleemo qoyan iyo calanka Puntland. Waxaase wejigiisa ka muuqdey daal iyo dacas. Ma faraxsanayn. Mar qudha ma dhoola caddayn. Waxaa suuragal ah inuu saluugsanaa tirada dadka soo dhoweysey oo si weyn u koobnayd.

Muuqaalka [Video] laga duubay waxaa ka muuqda saluug badan. Waxaa maqan gaadiidkii lagu soo dhoweeyey oo had iyo goor la muujiyo marka garoonka ka baxayaan ama magaalada dhex marayaan. Waxa keliya oo aad arkaysaa hal gaadhi oo uu si cidhiidhsi ah u saaranyahay Janankii la soo dhoweynayey iyo hal gaadhi oo kale oo tekniko  ah ilaaladiisiina u saarantahay. Ka sokow xaynta dumarka u badan ee sanqadha badan ee garoonka ku soo dhoweysey, ma jirto, ama ugu yaraan lama hayo, soo dhoweyn magaaladu suuqyada ugu samaysay.

Wax hadal ah laguma qaban goobtii lagu soo dhoweeyey. Balse, markii la keenay hoygii uu degi lahaa wuxuu halkaasi ka jeediyey hadal kooban oo si weyn u muujiyey daalka iyo farxad la’aanta uu ku qaabilay Boosaaso.

Su’aasha taagani waxay tahay Morgan ma Murashax Madaxweyne ayuu isu diyaarinayaa? Soo dhoweynta ka saqiirtay ee uu sii abaabushey ma damaca uu ka qabo doorashada 2019 ee Madaxtooyada Puntland bay dabada ku haysaa? Jawaabtu waa mid cad, waa “HAA”.  Dhaqdhaqaaqiisa, xanshashaqiisa, booqashadiisan, iyo hadal-hayntiisa guud ahaaneedba way ka muuqataa inuu, itaal baaska, Cabdiweli Gaas u dhoolatusanyo. Haseyeeshee, waxaa si weyn la isugu raacsanyahay, marka laga yimaado inuu yahay nin beel ahaan ka soo jeeda degaanadaasi, inaanu shacbiyad ku dhex lahayn dadka Puntland. Dhanka kalena, waxaa la wada aaminsanyahay inay saaka tahay mid waqtigeedii dhacay [Expired] badeecadda keliya ee uu iibanyo taasoo ah “ka-mid-ahaanshihii Xukuumaddii Marxuum Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre [AHUN]”.  Waa taariikh fog, waana xusuus aan dadka uu la kulmayo qaarkood jooginba, qaybna ka sii lumaysa, balse ku sii hadhay, kuna weyn, maskaxda Jananka iyo in kooban oo aan waqtigan cod iyo go’aan toonna ku lahayn kursiga uu baafinayo..

Haseyeeshee, dadka aqoonta u leh Janaraalku waxaanay ku kala baydhin inaanu Janaraalku u dhalan qaof xisaabahaasi aan kor ku soo sheegnay ku niyad jaba oo dagaalka kaga baxa. Waxay tusaalo u soo qaateen taariikhdiisii dagaaladii gobolada jubooyinka Somalia ka dhacay horaantii sagaashameeyadii [1991 – 1195].  Marar badan wuxuu Jananku ku soo weerari jrey ciidamadii Janaraal caydiid, kagana maroorsan jirey magaalooyin, isagoo haysta ciidan aad u tiro iyo qalab yar. Wuxuu kaymaha Kismaayo dul fadhiyi jirey, baqdinna abuuri jirey, isagoo cududiisu tahay wax ka yar 50 askari oo kala badh ka mid ah duumo [kaneeco] u jiifto. Taasi, macneheedu waxay tahay “isku si wax uma wada xisaabino”.

Gebagebadii, waa hubinti isagoo dadba ka wata xayntii shalay ku soo dhoweysey Garoonka Boosaaso inuu isku eegi doono inuu Prof. Gaas ka meersado kursiga Puntland looga arimiyo.

HOOS KA DAAWO SOO DHOWEYNTII MOORGA:

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin