SOMALILAND OO CODSATAY IN LOO SOO BAADHO QARAX LAGU KHAARAJIYEY XUBNO KA SOO HORJEEDEY

0
172

Wararka ka imanaya Hargeysa ayaa sheegaya in Madaxtooyada Somaliland amar ku siisay hay’adaheeda amniga inay Baadhitaan ku soo sameeyaan qaabka loo khaarajiyey dadkii ku nafwaayey qaraxii shalay lagu weeraray xubnihii ugu firfircoonaa saraakiishii Khaatumo ee sida lixaadka leh uga soo horjeestey Somaliland.

War kooban oo laga soo saaray Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay In Madaxweyne Biixi u tacsiyadaynayo dadkii ay ka geeriyoodeen Marxuumyadaas lagu khaarajiyey dilkaasi qorshaysnaa.

Lama garanayo ujeedada ay Somaliland ka leedahay baadhitaanka shilkan sida gaarka ah loogu bartilmaameedsaday siyaasiyiin ay col ahaayeen iyadoo, sidoo kalena, la wada ogsoonyahay in Buuhoodle uu ka taliyo maamul u gaar ah oo aan ka amar qaadan Maamulka Somaliland.  Arrimahani waxay calaamad su’aal weyn saarayaan dhaqdhaqaaqyada Somaliland ee degaankaasi iyo, gaar ahaan, shilkan nooca cusub ah.

Siyaasiyiin iyo waxgarad kale oo ku nool degaanada SSC ayaa tilmaamaya inay qaraxan ka dambeysey soona abaabushey Somaliland. Waxaa ugu dambeeyey Madaxweynihii Hore ee Khaatumo, Mudane Indhosheel, oo saxaafadda u sheegay inay xaqiijiyeen inay Somaliland ka dambeysey ayaa soo bandhigi doonaan.

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin