SYRIA OO XALAY GANTAALO LAGU WEERARAY

0
80

Dayaanka iyo uurada ay sababeen sawaariikhda Ciidamada Maraykanka iyo UK ayaa saacadihii dambe ee xalay hurdada ka toosiyey dadka ku nool magaalo madaxda Syria iyo degmooyin kale oo ay dawladaha Maraykanka iyo UK guure ku weerareen.

In kasta oo aan xog toos ah oo dhammaystiran laga haynin khasaaraha ka soo gaadhay ayaa haddana wararka bilawga ah ee la helayo ee labada dhinac ka soo kala baxayaa xaqiijinayaan in weerarkii xalay dhacay ka baaxad weynaa kii ka horeeyey ee sannakii ina dhaafay lagu qaaday Syria kaasoo la tilmaamay in lagu burburiyey boqolkiiba labaatan [20%] diyaaradihii dagaalka ee dalkaasi lahaa kadib markii lagu ganay 59 gantaal oo ah nooca loo yaqaano TOMHAWKS.

Weerarka xalay waxaa lagu tilmaamay in loo adeegsaday saanad [hub] laba-laab ka xoog iyo tiro badan kii sannadkii hore, sidoo kalena kani waxaa ka qayb galay diyaaradaha dagaalka oo aan weerarkii hore loo adeegsan.

Goobaha la weeraray ayaa lagu sheegay saldhigyada Ciidanka Cirka Syria, goobaha cilmi baadhista ee lagu horumariyo teknoolajiyadda kimikada, iyo meelaha loo adeegsado kaydinta sunta kimikada.

Waxaa la aaminsanyahay in qorshaynta weerarka si weyn looga taxadaray lagana dheeraaday goobaha ay ku suganyihiin ciidamada iyo qalabka Ruushka iyo Iiraan.

Maamulka Ruushka ayaa markiiba dhaleeceeyey falkan, kuna hanjabay inuu ka fiirsanayo tallaabo uu kaga falceliyo weerarkan.  Haseyeeshee, ma muuqato tallaabo xoogan oo u furan waqtigan la joogo.

Maraykanka ayaa $550 bilyan sannadkii ku bixiya kharashka ciidamadiisa halka dawladda Ruushku ku maalgeliso ciidankeeda $70 bilyan oo keliya sannadkii.

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin