XISBULLAH OO HANJABTAY

0
43

Hogaamiyaha Ururka Xisbulah ee Lubnaan,  Sh Xasan Nasrulah, ayaa ka hadlay weerar Diyaaradaha Dagaalka ee Israel Lagu eedeyay in ay Ka Fuliyeen Garoonka Diyaaradaha ee Ciidamada Suuriya ku Leeyihiin Gobolka Homs ee Dalkaasi.

Nasrullah oo ayaa Qudbad uu Ka Jeediyay Talefishinka isaga oo ku sugan Magaalada Beirut ee Caasimada Lubnan Waxaa uu sheegay in Weerarka Israel Ka Geysatay Suuriya uu Noqon Doono Taariikh Qaldan oo ay Gashay.

Hogaamiyaha Xisbulah ayaa Dhanka Kale Weerarka Israel ku Tilmaamay Mid Daan Daansi iyo Ka Fiirsasho La,aan.

Laba Diyaarad oo ay Wateen Ciidamada Israel ayaa Sideed Gantaal Waxaa ay La Beegsadeen Garoonka ay Leeyihiin Milatariga Suuriya iyaga oo adeegsanayay Garoon ku Yaal Dalka Lubnaan Sida ay sheegeen Saraakiil Ka Tirsan Wadanka Ruushka.

Weerarkaan ayaa Waxaa uu Ka Dhacay Meel Qiyaastii 40 Kiilo Mitir Kaga Beegan Galbeedka Magaalada Palmyra Waxaana ku Dhintay 14 Ruux oo Kuwaasi oo afar Kamid ah ay u Dhasheen Wadanka iiraan.

Duqeynta israel ayaa Timid Kadib Weerarkii Loo adeegsaday sunta loo adeegsaday oo sabtidii La soo Dhaafay Ka Dhacay Magaalada Douma ee Bariga Ghouta.

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin