XOGHAYIHII GUUD EE XISBIGA WADDANI OO MURAN KALA DHEX TOOSAY XAFIISKIISII

0
108

“Gudoomiyaha waxaan kula talinayaa inaanu Gudoomiyaha mar labaad u tartamin, murashaxana mar labaad u tartamin, si aanu…” – Uur cadde, Xoghayihii Xilka laga xayuubiyey ee Xisbiga WADDANI.

Dhaqdhaqaaqii abaabulnaa ee maalmahan lagula dhex jirey Xisbiga WADDANI yoolkiisuna ahaa khalkhal ku abuurista Xisbigaasi ayaa maanta weji kale oo cusub loo soo farsameeyey.

Xoghayihii Xisbiga WADDANI, Mudane Uur Cadde, oo dhowaan Gudoomiyaha Xisbigu ku amray inuu xilka wareejiyo ayaa hadallo dhaleecayn ah oo iska hor imanaya ku cashariyey Gudoomiyihiisii ay muddada dheer soo wada shaqaynayeen.

Mudane Uur cadde oo intii ka dambaysey Guushii doorashada ee raacday Xisbiga Kulmiye goobaha siyaasadda la isla dhexmarayey inuu galagalaysanayo Madaxweyne Biixi oo ay isku beel ka soo jeedaan ayaa maanta goobo kala duwan kula hadlay saxaafadda isagoo bedka soo dhigay is khilaafsan oo uu kaga hadlay Xil ka qaadistiisa iyo Gudoomiyenimada Mudane Cirro.

Goobtii koowaad wuxuu Mudane Uurcadde sheegay inaanu jirin wax khilaaf ah oo isaga iyo Gudoomiyaha ka dhexeeya balse wuxuu isla goobtii ka sheegay inay is khilaafsanyihiin, isagoo taasi tilmaamayana wuxuu yidhi “Waxaanu runtii isku khilaafnay waxa weeyey, runtii markaan idiin sheegona, aan u arko anigu sharci darro…Gudoomiyuhu wuxuu soo jeediyey inaan ku wareejiyo nin la yidhaahdo Khadar Guuleed oo aan Xisbiga meelna ka soo gelin”. Dhanka kale, wuxuu goobtaasi ku oggolaaday xil ka tegistiisa wuxuu ka murmayey sida uu u wareejinayo oo keliya.  Isla goobtaasi wuxuu ku soo jeediyey in Gudoomiyenimada Xisbiga lagu wareejiyo Xildhibaan Cabdilqaadir Jirde Ismaaciil.  Wuxuu ku nuuxnuuxsaday sida ay waajib u tahay in Xil. Jirde noqdo Gudoomiyaha.

Haseyeeshee, Goobtii labaad ee uu ka hadlay wuxuu sheegtay inaanu Xilka ka degeyn oo aanu Mudane Cirro awood u lahayn xil ka qaadistiisa. Sidoo kalena, wuxuu ka noqday dooddiisii ugu dheerayd markii hore ee ahayd Gudoomiyenimada Xildhibaan Jirde.

Labadan hadal waxaa ka soo dhex baxay in Mudane Uur Cadde ku guuldaraystay qorshihii ahaa in muran lagu soo dhex tuuro Gudoomiye Cirro iyo Xildhibaan Jirde.  Warar ayaa tibaaxaya markii uu ka war helay inaanu Xil. Jirde kala qayb geleyn muransiinta iyo burburinta Xisbiga WADDANI inay Mudane Uurcadde khasab ku noqotay inuu mar labaad hadlo oo ra’yigiisii hore beddelo.

HALKAN KA DAAWO LABO MUUQAAL OO UURCADDE KU HADLAY:

 

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin