XUKUUMADDA SOMALILAND OO SHEEGTAY CABSIDA LAGA QABO BURBURKA XISBIGA WADDANI: “XISBIGA HA LAGU MINTIDO, XISBI HORE OO UDUB AH BAA INAGA BURBURAY”

0
114

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, Mudane Axmed Kaahin, ahna Ku xigeenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye, ayaa maanta ka hadlay muranka  Xisbiga WADDANI ee ku saabsan xil ka xayuubintii Xoghayaha Xisbiga taasoo, sida hadalkiisa ka muuqata, uu ka dayriyey burbur ku soo socda WADDANI.

Waa markii ugu horeysey ee ay arrinkan si rasmi ah uga hadlaan Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye oo lagu tuhunsanyahay inay dabada ka riiixayaan muranka ay jagada Xoghayaha Guud saldhigga u tahay.

Mudane Kaahin ayaa carrabka ku dhuftay in Xisbi hore oo ka mid ahaa axsaabta dalku, UDUB, burburay sidaas darteedna wuxuu ku booriyey madaxda Xisbiga WADDANI in la ilaaliyo midnimada Xisbiga. “Idinku wiirsan mayno, Idinkuna qosli mayno” ayuu Mudane Kaahin si taagtaagni ah ugu tuurtuuray xayn haween ah oo uu sacab iyo mashxarad dhextaal uga dhigayey khudnadiisa.

Lama garanayo waxa xilligan ku soo beegay hadalkan, sidoo kalena ma cadda kaalinta ay Xukuumadda iyo Xisbigeedu ku leeyihiin muranka koowsadey ee lagu soo dhex tuuray Xisbiga WADDANI.  Haseyeeshee, xubno kala duwan oo siyaasadda faaqida oo ay weriyeyaasha shebekeddan Laascaanood.com la hadleen waxay hadalka Xukuumadda Biixi iyo muranka Xisbiga WADDANI ka bixiyeen aragtiyo aad u isugu dhowdhow.

Dhammaan waxay farta ku fiiqeen in murankan bilawga ah aanay sinaba uga madhnayn raadadka xisbiyahanada gaamuray ee Kulmiye, ayna muuqdaan inuu yahay khilaaf la farsamaynayo. Sidoo kalena waxay weedhaha Mudane Kaahin ku tilmaameen hadal qorshaysan oo loogu talo galay yool-habaaninta ra’yiga dadweynaha ee ku saabsan kaalinta KULMIYE ku leeyahay murankan.

Maalmaha soo socda ayay kala caddaan doonaan tuhunada isxambaarsan ee laga qabo xukuumadda, sidoo kalena la ogaan doonaa xubnaha kale ee WADDANI ee hawshan qaybta ka noqda.  Waxaana kaalinta murankan ee Xukuumadda iyo Xisbigeeda halbeeg iyo markhaati u noqon doona hadba dhumucda iyo baaxadda murankani yeesho iyo sii jiitanka iyo sii xoogeysashada murankan.

Haddaba, waxaa la isku raacsanyahay haddii murankani sii xoogaysto inuu markhaati cad u noqonayo inuu jiro saldhig adag oo dabada ka riixaya, taasina ay hadalada tuurtuurka ah ee Mudane Kaahin ka dhigi doonto Ku-JeesJees iyo Ku Wiirsi farsamaysan.

HALKAN HOOSE KA DAAWO WARKAAS:

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin