XUKUUMADDA SUURIYA: “WAXAANU SOO RIDNEY GANTAALIHII CADAWGA”

0
190

War kooban oo ay soo saartay Dawladda Suuriya  goor dhoweyd ayay ku sheegatay inay soo rideen qaybo ka mid ah sawaariikhdii Maraykanka iyo Ingiriisku ku weerareen dalkooda.

Ciidamada Maamulka Asad ayaa warkooda ku sheegay in “cadawgu” ku soo weerary 110 gantaal kuwaasoo intooda badan laga hortegey, haseyeeshee qaar ka mid ahi ku dhaceen yoolkoodii.  Waqtiga la soo weeraray waxaa warbixintu ku tilmaantay 03:55 subaxnimo ee Sabtida, maanta.

Ciidanku Suuriya waxay warbixintooda ku muujiyeen in goobaha lala helay gantaalaha ay ka mid tahay Xarunta Cilmibaadhista ee Barseh oo ku taala Caasimadda, Dimishiq.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka maraykanka ayaa CNN u sheegay in hawlgalkan “ugu yaraan’ ay ka qayb qaateen, dhanka Maraykanka, hal [1] markab oo ah kuwa diyaaradaha iyo gantaalaha xambaarta iyo, sidoo kale, diyaaradaha wax duqeeya ee loo yaqaano “B-1 bombers”.

Dhanka Boqortooyada Ingiriiska, war uu soo saaray Gaashaandhiggu ayaa lagu muujiyey in ay weerarkan ka qayb qaateen afar [4] diyaaradood oo ah nooca loo yaqaano TORNAD GR4 oo goob hore u ahaan jirtey saldhigga gantaalaha cirka kuna taala magaalo-yarta Xumus ku weeraray gantaalka lagu magacaabo “Storm Shadow Missiles”.


Wixii war ah ee ka soo kordha Syria ee Geeska Afrikaba kala xidhiidh bartan laascaanood.com

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin