YAAB, DAAWO: ASKAR LAGU DILEY BADHTAMAHA MUQDISHO – YAA DILEY?!

0
81

Ciidamo la sheegay in ay katirsanaayeen Nabad Sugida ayaa goordhaw rasaas khasaaro geesatay ku furay ciidamo katirsan Xasilinta Caasimada oo hawlgalo baadhitaano ah ka waday Isgoyska Sanca.

Sida aan Wararka ku helnay Ciidamada rasaasta furay oo katirsanaa Nabad sugida ayaa ka amar qaadan jiray Sarkaal katirsanaa Nabad sugida oo dhawaan ku geeriyooday weerarkii lagu qaaday Hotelka Naasa Hablood.

Inta la xaqiijiyay labo askari oo katirsanaa Ciidanka Xasilinta ayaa goobtaasi lagu dilay, ciidamada dilka geystay ayaana hore usii qaateen qoryihii ay askarta la dilay wateen sida goob joogayaal ku warameen.

Meydadka askarta la dilay ayaa mudo daqiiqado ah yaalay goobtii lagu dilay, waxaana goobtaasi isaga dhaqaaqay Ciidankii Nabad sugida  ee la sheegay in ay ka dambeeyeen dilka askartaasi.

Ciidamo kale oo katirsan Nabad sugida Dawlada Soomaaliya ayaa soo gaadhay halka uu dilku ka dhacay, mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka Dawlada Soomaaliya.

Xafii

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin