MUQDISHO, TURKISH AIR: DIYAARADII OO DUULIMAADKII MUQDISHO DIB U BILAWDAY

0
186

Shirkada Diyaaradda Turkish Airlines, ayaa maanta dib u bilowday Duulimaadkii caalamiga ahaa ee  ay ku iman jirtay magaalada Muqdisho, tan iyo waxii ka dambeeyay markii uu qaraxa ka dhacay Diyaarada Daallo.
Diyaaradda oo kasoo duushay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa maanta magaalada Muqdisho keentay rakaab isugu jirey Soomaali iyo ajaaniib oo ka kala yimid dalal kala duwan .

Dawladda Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixisay sidii Shirkadda Diyaaradaha Turkish Airlines, ay mar kale dib u bilaabi lahayd duulimaadkii ay ku imaan jirtay magaalada Muqdisho, waxaana wadahadalo dhexmaray Dawlada Soomaaliya iyo Dawlada Turkiga kadib lagu guuleestay in uu dib u bilowdo duulimaadkii Diyaaradda Turkish Airlines.

Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ka yimaada Qaarada Yurub ayaa aad u soo dhaweeyay duulimaadka ay dib u bilowday Diyaaradda Turkish Airlines, waxaana dad badan ay guul ku tilmaameen in Diyaaradda kaliya ee caalamiga ah ee tagta Muqdisho ay mar kale duulimaadkeedii bilowdo.

Shirkadda Diyaaradaha Turkish Airlines oo ah diyaarada kaliya ee caalami ah ee magaalada Muqdisho ku timaada duulimaad ayaa joojisay duulimadakeedii 2-dii bishii February ee sanadkan kadib markii ay dareentay xaalad amni.

Amaanka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana garoonka ka howlgelaya ciidamo si gaar ah u tababaran oo loogu tala galay xaqiijinta amaanka, waxaa sidoo kale garoonka ka shaqeeya Eeyo tababaran oo baadhaya shandadaha ay wataan rakaabka garoonka ka dhoofaya.

Turkish Air Turkish Air 2 Turkish Air 3

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin