94 JIR DHAWR BILYAN OO DOLLAR JEEBKA GASHADAY, BAADHIS KU BILAABATAY

0
735

Barlamaanka Wadanka Zimbabwe ayaa u yeedhay Madaxweynihii Hore ee Wadankaasi, Mr Robert Mugabe, si uu uga Jawaabo Lacago malaayiin Doolar ah oo la qabtay Waqtigii uu Hayay Talada Dalkaasi.

Mr Mugabe ayay Barlamaanku Ka Doonayaan Bisha soo socoto inuu Cadeymo ka keeno habka loo maareeyay Lacagtaasi oo la sheegay in ay Badi aheyd mid ka soo xerootay macdanta laga soo saaro Dalkaasi.

Gudoomiyaha Guddiga Macdanta iyo Tamarta u Qaabilsan Xubnaha Barlamaanka Zimbabwe, Mr Temba Mliswa, ayaa sheegay in Kadib Kulan ay Qaateen shalay ay ku Casuumeen Madaxweynihii Hore in uu Ka soo Hormuuqdo Gudiga Sagaalka Bisha soo aadan.

Mugabe Waxaa Lagu Tuhmayaa in uu Jeebka ku shubtay Lacag Dhan 15 Billion oo Dolar iyadoo Looga Fadhiyo in uu Ka Jawaabo su’aalaha Barlamaanka Dalkaasi.

94 Jirkaan ayaa Sanadii 2016-kii Waxaa uu Sheegay in Dheeman Qiimahiisa uu Dhan Yahay 15 Billion uu Lumiyay Sababa La Xiriira Musuq Maasuqa uu ku eedeyay Dalalka Dibada.

Mugabe, Hogaamiyihii Hore ee Xisbiga Haya Talada Dalka Zinbabwe ee Zanu-PF oo Qabtay Jagada Madaxtinimo Sanadii 1980-kii ayaa Sanadkii La soo Dhaafay Waxaa Jagada Ka Qaaday Milatariga Dalkaasi.

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin