Adhicadeeye iyo dhuunyeedhiska kulmiye maxaa kulmiyay”WQ Abdijibaar A Gaas

0
344

Adhicadeeye iyo dhuunyeedhiska kulmiye maxaa kulmiyay

————————

13713390_824269637707872_2140359770_n

Taariikhda madaw iyo firix dhabadka u danbeeya ee isku si naftu uga baxdo ayaa u ah calaamad lama ilaawaan ah

Dharaaraha dhuunyeedhiska lagana yaqaano maalmaha qorraxdu ifkan u soo baxday lana soo dhaafay

Tababare maxamed siyaad barre  casharradii uu sii bixiyay ayay weli kusii tasbiixsanayaan guulwadayaasha kasii jooga rajiimkii godka madow ku riday dadka iyo dalka mid walibana wuxuu maalinta dhimashada maamulkiisa sii aasaa ugxanta dhagaxa ka sii hoosaysa dilaaceeduna wakhtiga qaadanayo

Dadka iyo dalkuba waxay baahiwayn u qabaan wax qabad muwaaddin umase baahna wax qabad danayste eel reeba

Bare sare Maxamed siyaad barre liiqliiqadkiisii wuxuu iska daba tuuray sarrifka gobolo hore u jiray inuu kasii gooyo gobollo uu ku madax  madax salaaxayo sidoo kale ujeedo gaar ah isagu ka lahaa

Gebogebadii dhuunyeedhiska

Daahir rayaale kaahin ayaa ku hanbabaray qararacdii (Udub) codka galgaladka nafka baxa ah ayaa keenay sarrifka mar labaad lagasii jajabiyo gobolo iyo degmooyin shacbiga madaxa la isugu sii geliyo waa intaasoo sakaraadku isu bedelaa nasiib aakhiro ka wardoon ah

madaxwayne siilaanyo tan iyo maalintii reer adhicadeeye qasriga madaxtooyada kusii gelbinayeen ma maanta ayuu tebay?

Haduu tebay se ma wuxuu ku xusay magacooda adhicadeeye waa degmo?

Waanu ogayn oo waa degmo anagaana ka dhignaye miyaadan madaxwayne ogayn awel?

Hadaadan ogayn bal madaxwayne sidaa la soco adhicadeeye anagaa ku filane

Wiilwaal baa laga sheegay dibiga iyo weedha maxaa kulmiyay

Tolow dhuunyeedhiska kulmiye iyo weedha maxaa kulmiyay?

Maanta waxaa laga wada dheregsanyahay tubta uu kulmiye marayo iyo galgaladka naf ka dhawrka ah reer adhicadeeye maaha kuwo lagu maaweelinayo ama loogu madax buuxinkaro

Go’aanka dadka reer sool waa meel

Guulwadaha hore ayay u diideen

Wakhtigii jeebka dilaalka la gelinjirayna maaha maanta

Waxaan xasuustaa tix uu lahaa halgamaagii (usc) geele ismaaciil macalin ibraahim

 

Jeestada ninkii taag yar baa taakulayn bida’e

Sida tabihi beelleey u dheel tabihi caydiide

Taageerayaashii la kece tii alliyo guule

Tadoba iyo eber looga badi tuugadii sulux

 

Runtii geydha soodhacaysaa haddiiba ay asqaysiisay kooxda ina biixi odayguna nagula soo galgashay waanu ka xunahay reer adhicadeeye ahaan

Waxaan kaloo soo xasuustaa tixihii Geelle Faruur

 

Taariikhda maanta ah

Tartan kuma haboonee

Ka u taagan baa mudan

 

Tab kastaaba xeel lehe

Dhaliyuhu tilmaan lehe

Tahniyad laacib kaa mudan

 

Qalinka Abdijibaar Aadan Gaas

Adhicadeeye Sool

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin