AFDUUBKII SHISHEYAHA OO XAMAR DIB UGA BILAABMAY, JARMAL LA QAFAASHAY

0
266

Afhyeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya, C/Casiis Xildhibaan, ayaa sheegay Ciidamada Amaanku inay dabagal ku sameeyeen Kooxda afduubka u geystay haweeneydaas islamarkaana gaadhigii lagu afduubtay laga helay Xaafadda Tarabuunka ee Degmada Hodon, waxaana gaadhiga la geeeyay Xarunta Denbi Baadhista ee C.I.D.

Haweeneyda la afduubtay oo wax ka yar Laba toddobaad Muqdisho ku sugnayd ayaa u shaqeyneysay Hay’adda ICRC,waxayna ahayd kalkaaliso Caafimaad.

Dawladdu waxay sheegtay in Afduubkan ay geysteen ilaalada Hay’adda ICRC.

Ragga afduubtay ayaa goobtii kaga tegey oo aan kaxaysan Ajaanib kale oo haweeneydan la Joogay waqtiga uu afduubka dhacayey, waxaana soo baxaya tuhuno ku aadan waxa laga damacsanyahay Afduubka Kalkaalisadaas Caafimaad.

Xarunta ugu weyn Hay’adda ICRC ee Switzerland ayaa war ka soo baxay  lagu xaqiijiyay, sidoo kalena lagu cambaareeyay http://www.laascaanood.com/icrc-staff-member-abducted-in-somalia/.

Hay’addu waxay sheegtay in gabadhan ay muddo labo todobaad keliya joogto Muqdisho una tagtay halkaasi caawinta dadka Soomaalida ah.

Dawladda ayaa sheegtay inay baadhitaan ku waddo afduubka gabadha loo geystay islamarkaana Ciidamada Amaanku ku hawlanyihiin sidii gabadhaas loo xoriyadeeda dib loogu soo celin lahaa.

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin