Akhri Taariikh Nololeedkii Allah ha u naxariistee Marxuum Garaaad Abshir Saalax

0
295

Ilaah ha u naxariistee Garaad Abshir Saalax Maxamed wuxuu dhashay sannadkii 1935-kii, waxa uu na ku dhashay Hawdka gobolka Togdheer, halkaas oo uu ku barbaaray ku na hana-qaaday. Markii uu gaadhay 20 gu’ ayaa waxaa la qoray ciidankii boliiska, waxaa na laga qoray Mandheera. Sannadihii kontomaadkii waxaa uu ka mid noqday dufcaddii ugu horeysay ee loo taba-baro tumidda durbaannada (bandboy), halkaas oo uu ka bilaabay in uu iskiis wax isu baro.

Markii uu muddo wadey waxbarashada habeennimo ee Atlas la odhan jiray, ayaa waxa uu ka qayb-galay imtixaan qiimayneed, kaas oo uu ku guuleystay, inuu helo darajada kormeere koowaad (sarkaal xigeen). Isla baryahaasba waxa uu helay kansho kale, taas oo uu kaga qayb-galay taba-bar ku saabsanaa dembi baadhista oo lagu qabtay magaalada Hargeysa. Markii uu taba-barkaas qaatay, ayaa waxa loo diray dalka Ingiriiska oo ku qaadanayey laylin kale oo dheeraad oo ku saabsan dembi baadhista. Markii uu dalka gudihiisa ku soo laabtay isaga oo sarkaal ah, ayaa muddo yar ka-dib waxaa uu noqday taliyaha dugsiga Mandheera.

Israacii 1960-kii ka-dib, waxa uu ka mid noqday saraakiisha saldhigyada boliiska ee Soomaaliya ka talisa. Horaantii 1970-naadkii, waxa dalka Maraykanka loogu diray, aqoon korodhsi ku saabsan xeerarka iyo maamulka booliiska. Markii uu aqoon-korodhsigaas soo gurubsaday ee uu dalka ku soo laabtay, ayaa waxa uu ka mid noqday saraakiisha sar-sare ee booliiska loogu jecel yahay.

1979-kii isaga oo ah gaashaanle sare ayaa loo magacaabay taliyaha qaybta booliiska ee gobolka Banaadir, ka hor intii aan booliiska gobolka Banaadir loo tarmin dhawr qaybood. Mar kale na waxa uu Garaadku noqday taliyaha ciidanka dembi baadhista (CID). Sida oo kale waxa loo magacaabay agaasimaha cusbatalka booliiska ee la yidhaahdo Maddiina ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

1981-kii Garaadku waxa uu noqday guddoomiyaha (badhasaabka) gobolka Togdheer. Markii jagadaas laga soo beddelayna, waxaa loo magacaabay xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Soomaaliyeed, xilkaas oo uu kaga dhacay burburkii qarankii Soomaaliyeed.

1991-kii markii uu dagaalkii sokeeye oodaha goostay, Garaadku waxaa uu ka mid noqday dadkii Soomaaliyeed ee u hayaamay magaalada Kismaayo. Shir-weyne beeleed oo tol-weynaha Dhulbahante ay ku yeesheen Kismaayo, ayaa lagu go’aamiyey in loo diro rag xeel-dheerayaal ah oo gacan ka geysta talada beesha, ee gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.

Afar xubnood oo uu Garaad Abshir ka mid ahaa, ayaa halkaas waxa lagaga soo safriyey dayuurad gaar ah, taas oo soo gaadhsiisay gegida dayaaradaha ee Konoko loo yaqaan ee magaalada Garoowe. Raggii weheliyey waxa ay ahaayeen marxuum Maxamed Buraale Ismaaciil oo muddo aad u dheer wasiir ahaa markii dambena guddoomiye ku xigeen golihii shacabka ee Soomaaliya, marxuum Gaashaanle sare Cilmi-jiir iyo Xuseen Samatar oo ahaa ruug-caddaa bahda caafimaadka.

Garaad Abshir Saalax, waxaa uu ka mid noqday ergedii shir-weynihii May 1991-kii ee Burco ka dhacay.

Dabayaaqadii 1993-kii, tol-weynaha Guuleed Garaad Faarax (Barkad) ayaa magaalada Widhwidh ugu doorteen ku na caleemo saareen oo uu noqday garaadka beeshaas.

Kulamo kala-geddisan oo lagaga arrinsanayey arrimaha nabaddeynta iyo talada guud ee qaranka oo ka kala dhacay dalka gudihiisa iyo dibbadiisa ayaa uu ka qayb-galay, waxa aynuna ka xusi karnaa:

1. Shirarkii wada-tashiga iyo dhismaha maamul goboleedka Buntlaan ee Garoowe, oo ahaa 1998-kii ayaa uu labada ba Garaadku ka qayb-galay.

2. Garaadku waxa uu xubin ka noqday isaga oo isim ah golaha wakiillada (baarlamaanka) ee Somaliland.

3. Sannadkii 2000-kii, waxa uu ka mid noqday isimadii Soomaaliyeed ee dhisay dawladdii Soomaaliyeed ee Carta ee dalka Jabbuuti. Maamulkii halkaas lagu soo yagleelayna waxa uu ka mid noqday xildhibaanada qaranka Soomaaliyeed.

4. Shir-weynihii Soomaaliyeed ee ka dhacay Embagaati ee dalka Kiiniya ee lagu doortay Marxuum Kornayl Cabdillaahi Yuusuf, ayaa Garaadku ka qayb-galay.

5. Shir beeleedkii uu ka dhashay hoggaankii la magac-baxay badbaadada iyo midnimada SSC Soomaaliya ee magaalada Nayroobi ee Dr. Saleebaan Ciise Axmed Kaar (Xaglo-toosiye) iyo Kornayl Cali Sabarey ay madaxda ka ahaayeenna, waxa uu Garaadku ku jiray saddexdii garaad ee halkaa ku ansixiyey, waxaa na ku weheliyey Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Garaad Cali Buraale Xasan.

6. Waxaa uu ku jiray Garaadku isimadii ansixiyey Shir-weynihii beelaha SSC ee lagu qabtay magaalada Taleex ee lagu dhisay maamul goboleedka Khaatumo State of Somalia.

7. Waxa uu Garaadku ka qayb-galay shir-weynihii Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay ka dhalatay dawladda xilligeedii gabaabsiga yahay ee Xasan Shiikh Maxamuud.

8. Shir beeleedkii isimada beelaha Daarood ee lagu dhex-dhexaadinayey, ardaayada dega Magacley iyo Qoriley, ayaa uu Garaadku ka mid ahaa.

9. Waxa kale oo uu ka mid ahaa Garaadku isimo reer SSC ah, oo shirar ku saabsan danaha beesha u tegay xilliyo kala duwan magaalooyinka Dirirdhabe, Jigjiga, Jabbuuti, Dubay, Garoowe, Xamar, Qardho iyo meelo ka tirsan dalalka Yurub.

10. Labadii shir ee dhowaan uu Boqor Burhaan Boqor Muuse ugu qabtay magaalada Qardho isimada Soomaaliyeed iyo kuwa Daarood (sida ay u kala horreeyaan), ayaa uu Garaad Abshir ka wada qayb-galay.

Waa tiro-beel shirarka iyo kulamada nabadeed ee heer isim ah ee uu Garaadku Ilaahay ha u naxariistee ka qayb-galay.

Garaad Abshir Saalax waxa uu ifka kaga tagey labo xaas iyo shan iyo toban carruura oo uu dhalay, iyo afar carruura oo wiilkiisa Cabdinaasir uu sii dhalay. Ilaah ha u naxariistee, baryahanba waxaa Garaadka lagu dabiibayey cusbitaal ku yaalla magaalo madaxda dalka Iswiidhan ee Istook-hoom, halkaas oo uu caawa fiid-caarrihii ku geeryoodey.

Waxa qorshaysan haddii uu Eebbe idmo, in maydka (bidda) Garaad Abshir Saalax Maxamed la keeno dalka, dharaaraha foodda inagu soo haya, waxa aan weli la go’aamin Laascaanood iyo Widhwidh tii lagu aasi lahaa.

Rabbi ha u raxmado Marxuum Garaad Abshir Saalax, waxa aannu ummadda Soomaaliyeed, reer SSC iyo qoyskii iyo eheladii uu ka baxayba Ilaah uga baryeynaa in uu Samir iyo iimaan ka siiyo.
________________________
Barkhad Cumar   Laascaanood

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin