Alshabaab Oo War Digniina Ka Soo Saartay Qaadashada Kaadhka Aqoonsiga Soomaalida.

0
195

Muqdisho-(LAASCAANOOD)-Al-Shabaab ayaa markii u horeysay ka hadashay qaadashada kaararka aqoonsiga ee Maamulka Gobolka Banaadir uu bilaabay, iyadoo uga digtay shacabka inay ku dagmaan waxa loogu yeeray shirqool.

Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere ayaa sheegay inay uga digayaan shacabka Muqdisho iyo hareerihiisa inay qaataan kaarka aqoonsiga oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid dhibaato ah

“Waxaa shacabka u sheegeynaa inay ka digtoonaadaan meelaha kaararka aqoonsiga lagu jaro, ujeedooyin laga leeyahay waa kuwo fara badan oo ah mid dhaqaale iyo in xogta dadka muslimiinta u gacan geliyaan gaalada”ayuu yiri Cali Dheere.

Cali Dheere ayaa ku hanjabay inay beegsan doonaan goobaha ay ka socoto bixinta kaararka aqoonsiga, isagoo ugu baaqay shacabka Muqdisho inay ka fogaadaan.

Dhinaca kale Cali Dheere ayaa ka hadlay qaraxii Hotel SYL, waxaa uu sheegay in hotelka uu ahaa godka sharta ah, lagana soo maleegayay dhibaatooyinka dadka muslimiinta ah sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu sheegay in Hotelka xilliga qaraxa ka dhacayay uu ka socday shirar ay lahaayeen Wasiirada iyo Xildhibaanada iyo qeybaha kala duwan ee xubnaha ka ah dowladda, waxaana uu intaa ku daray in weerarkaas is-miidaaminta lagu dilay afartameeyo ruux, halka dhaawaca uu 70-gaarayo sida uu yiri.

Ugu dambeyn Afhayeenka Al-Shabaab ayaa ugu baaqay shacabka inay ka fogaadaan maqaaladaha iyo hotelada ku yaala Muqdisho ee ay ku sugan yihiin mas’uuuliyiinta dowladda.

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin