AQOOONYAHAN JIIR OO QIIMEYN KU SAMEEYEY SIDEED MASUUL OO DAWLADDA KA TIRSAN OO KA SOO BAXAY WAAJIBAADKOODII SHAQO

0
561

Waxaana tusaale inoogu filan sida wasaaradaha ay jogaan uga soo dhalaalay ee shacabku ugu hirtay shaqadooda

Aniga oo ah Aqoonyahan Jaamac Jiir waxaan ku hambalyeynayaa Masuuliyiintan Xilka uu Qaranku u igmaday ka soo baxay, masuuliyiintan oo ka dheer Qabyaalad dantoodana ka horayso danta qaranka waxay mudan yihiin abaal gud iyo in loo ogaado hawsha ay qaranka u hayaan.

Masuuliyiintan aan hoos ku sheegi doonaa waxay khibrad iyo waayo aragnimo u leeyihiin shaqadan ay Qaranka u hayaan iyo Dawladnimadda waxay tahay, waxaanay dadaal ugu jiraan sdiii ay uga midho dhalin lahaayeen hawsha ay qaranka u hayaan ee madaxweynuhu u igmaday, waxaana marag ma doon ah sida ay uga soo baxeen ee ilaahay ugu asturay hawlahan shaqo ee aadka u balaadhan.

Waxaana tusaale inoogu filan sida wasaaradaha ay jogaan uga soo dhalaalay ee shacabku ugu hirtay shaqadooda, isla markaana qof kasta oo wasaaradaha booqda u arkaan horumarka ay gaadhsiiyeen xafiisyadoodda, sidoo kale, waxa shaqaalaha wasaaradahan masuuliyiintani joogaan ku xushaan aqoonta iyo khibradda ay u leeyihiin xafiisyadda dawladda loo maamulo.

Wax qabadkan muuqda ee masuuliyiintani haddii aynaan tilmaamin si ay u sii wadaan dadaalka waa inaynu u mahadnaqnaa qofka walaalka ah ee wax qabadka waa in aan laga xaasidin ee la yidhaa waax baad qabatay sii libin laab dadaalkaaga.

Aqoonyahan ahaan markii aan in badan qiimeeyey, dhinacyo badana ka eegay waxa isoo baxday in sideedan masuul yihiin kuwii igu soo baxay imtixaanka aan ka qaaday, waxaana leeyahay hambalyo umaddii aad u shaqaynayseen way arkaan dadaalka aad ugu jirtaan iyo sida wacan ee aad uga soo baxdeen shaqadii la idiin igmaday. Guul baan idin rajaynayaa.

Sideedda masuul ee aan qiimaynta ku sameeyey ee ku soo baxay shaqo wanaaga waxay kala yihiin :

1.wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi.

2. Wasiirka Hawlaha Guud Cali Mareexaan.

3. Maareeyaha madbacadda Qaranka.

4. Wasiirudawlaha xanaanadda Xoolaha.

5. wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha ee u qaabilsan goboladda iyo degmooyinka.

6. wasiirudawlaha waxbarasahdda   Maxamed Xaaji Aadan.

7.Xildhibaan Cago yare

8. Xildhibaan Bidhi

Sideeddaasi masuul waxay mutaysteen in shahaado sharaf la gudoonsiiyo, ana waxaan go’aansaday in aan umadda usoo bandhigo oo aan tuso waxqabadkooda la taaban karo ee ka muuqda goobaha ay joogaan.

Sidoo kale, qiimeyntani way socon doonta, waxaana ku xigsiin doono masuuliyiinta kale ee dawladda oo aan daraasadoodii iyo qiimeyntooda soo waddo, insha alla

 

Aqoonyahan Jaamac Cilmi Jiir

 

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin