BERBERA: GUDDIGA DABAGALKA HANTIDA OO DAWLADDA HOOSE IYO DP KORMEERTAY

0
931

Guddiga Dabagalka iyo Ilaalinta Hantida Qaranka ee Golaha Wakiilada JSL oo muddooyinkii ugu dambeeyey marayey Gobolada Dalka ayaa maanta soo gebagebeeyey kormeerkoodii gobolka Saaxil.  Guddiga oo uu hogaaminayey Gudoomiyaha Guddiga Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi [Siraadle] ayaa waxaa ka mid ahaa Gudoomiye Ku Xigeenka Guddiga Xildhibaan Maxamed Ismaaciil Bede, Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa, Xildhibaan Maxamed Cismaan  Maxamed Bulqaas iyo Xildhibaan Mahdi Cabdilaahi Maxamuud ayaa muddo saddex maalmood ah ku sugnaa caasimada gobolka Saaxil, Berbera.   Muddadii ay joogeen guddigani waxay booqdeen, su’aalo iyo waraysiyona la yeesheen qaar ka mid ah madaxda Wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda dhexe iyo, Dawladda Hoose, Dekedda iyo Mashruuca ballaadhinta Dekedda ee DP World.

Goobaha ay u kuurgaleen wefdigu waxaa ka mid ahaa Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga.  Sida aanu ka soo xiganay ilo ku dhowdhow wefdigan, waxaa Wasaaraddan ku qaabilay Isuduwaha Wasaaradda X. X & Kalluumaysiga, Mudane Dr. Axmed Xaaji Cabdilaahi Ismaaciil, Isuduwaha ayaa wefdiga, markii hore, ku qaabilay Xafiiska Kallunka ee ku yaalla Xeebta Berbera, markii dambena ku soo wareejiyey qaybaha kala duwan ee ay kaga hawl gasho wasaaraddu dhanka kalluumaysiga.  Wefdiga oo ay weheliyaan Isuduwaha iyo hawladeenada wasaaradda ayaa soo booqday dekedda yar [Jet-ka kalluunka] ee loogu talo galay doonyaha kalluumaysatada ee ay hadda socoto dhismaheedu.   Dekeddan cusub oo xagga qaadka ka weyn tii hore ee kalluumaysatadu ku soo xidhan jirtey ka weyn ugu yaraan 25% ayaa dhammaan kharashka ku baxaya waxaa si buuxda u bixinaysa xukuumadda Somaliland.

Sidoo kale, wefdigu waxay xilli hawsha kalluumaysatadu xawli ku socoto is dul taageen dekeddii hore ee kalluumaysatada iyagoo hubinayey qaabka adeegga Wasaaraddu uga socdo halkaasi.  Waxay kale oo booqdeen, warbixnna laga siiyey Kawaanka Kalluunka ee ay dhistay FIRE FISH kaasoo ay maalgelintiisa samaysay hay’adda USAID.  Kawaankan oo ay markii hore hay’ad aan dawlo ahayni gacanta ku haysey ayaa hadda, bishii December 2019, waxaa toos ula wareegtey Wasaaradda X. X. & Kalluumaysiga ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhanka Dawladda Hoose ee Degmada Berbera, Guddiga waxaa hawlaha degaanka warbixin ka siiyey Maayarka Berbera, Mudane Ciddin, iyo Xoghayaha Degmada Mudane Cabdixakiim oo uga xog waramay, qoraalna ku siiyey, 59 mashruuc oo ay ka fuliyeen degmada Berbera sannadihii 2018 iyo 2019.  Mashaariicda maamulka degmada Berbera ka warbixiyey ayaa isugu jira dhisme iyo dayactir Dugsiyo, Rugo caafimaad, Biyaha, Jidad, Saldhigyo Boolis, xarun kayd (Store) iyo hooso, goaded xashiish, gaadiid kale iyo xaafado cusub.  Maayarka ayaa Guddiga Dabagalka & Ilaalinta Hantida Qaranka [GD&IHQ] dul istaajiyey soona tusay qaybo ka mid ah mashaariicdaasi oo ay Guddigu isla goobahaasi ku waraysteen dadka ka hawl gala.

Sidoo kale, GD&IHQ waxay maalmahoodii labaad iyo saddexaad hubin ku soo mareen Haamaha Kaydka Shidaalka, Hay’adda Dekedaha Somaliland [Somaliland Port Authority] iyo mashruuca ballaadhinta Dekedda ee ay wadda shirkadda DP World.

Muddadii ay joogeen Haamaha Kaydka Shidaalka waxay warbixin ka dhegeysteen Maamule Ku Xigeenka Haamaha Kaydka, mudane Carfaan Xasan Cabdoo, iyo Agaasimayaasha waaxyaha Farsamada [Engineering], Hawlgelinta [Operations], Xisaabaadka iyo Maamulka [Admin & Finance], Shaqaalaha [Personnel] iyo Nabadgelyada [Security] oo dhammaan goobjoog ka ahaa iswaraysigaasi. Saraakiishani waxay Guddiga uga xaal warameen xaaladaha farsamo, dhaqaale, shaqaale, suuq, iyo nabadgelyo ee ay ku suganyihiin Haamaha Kaydka Shidaalka iyo maamulkoodu.  Guddigu waxay kormeer ku tageen Shaybaadhka Shidaalka [Laboratory] ee ku dhex yaala degaanka Haamaha iyagoo warbixin ka dhegeystey, su’aalona weydiiyey, khubarada ka hawlgala shaybaadhka.

Ugu dambayntii, Guddigu waxay booqasho maalin qaadatay ku mareen Hay’adda Dekedaha Somaliland iyo mashruuca ballaadhinta Dekedda ee ay gacanta ku hayso shirkadda DP World.  Halkaasi waxaa xafiiska Hay’adda SPA ku soo dhoweeyey Maareeye Ku Xigeenka Dekedaha Somaliland, mudane Cabdi Cabdilaahi Xasan iyo saraakiisha sarsare ee hay’adda, waxayna uga xogwarameen xaaladda Dekedaha Somaliland.  Shir muddo dheer qaatay, waxay xildhibaanada su’aalo ku weydiiyeen hawlwadeenada warbixinta siiyey.  Guddigu waxay booqdeen warbixinna laga siiyey Maraakiibta Taagagga ah ee dekedda iyagoo si gaar ah ugu kuur galay taagga cusub, su’aalona ka weydiiyey madaxda dekedda oo kormeerka ku wehelineysey.

Kadib waraysiga masuuliyiinta hay’adda SRA, waxay GD&IHQ u soo gudbeen dhanka shirkadda DP World iyagoo soo kormeeray mashruuca deked-ballaadhinta oo hadda si xawli ah ku socda.  Waxaa halkaasi guddiga warbixin ku siiyey Mr. Anil iyo Mr. Hennie Du Toit oo labaduba ka tirsan hawlwadeenada shirkadaha ku foogan dhismaha ballaadhinta dekedda Shafa Construction iyo CGR Group.

Gebagebadii waxay Guddigu shalay u boqooleen dhanka degmada Burco oo ay maanta ka bilaabi doonaan dabagalka hanrita qaranka.

Mar aanu wax ka weydiiney booqashadooda soo gebagebowdey ee Degmada Berbera ayaa Gudoomiyaha Guddigu, Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi [Siraadle], wuxuu saxaafadda u sheegay “marka hore Goleweynaha Wakiilada ayaanu la wadaagi doonaa natiijada wixii aanu la kulanay. Kadibna  saxaafadda ayaanu dadweynaha u marin doonaa warbixinta aanu soo ururinay, waase markaa aanu war gelino golaha”

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin