BOQOR BUURMADOW, DAAWO: “WAANU U SACABO TUMAYNAA [RAALIGELINTII FARMAAJO]”

0
77

“Madaxweynaha Soomaaliya (FARMAAJO) waanu ku hambalyaynaynaa, raganimuu sameeyey, dhiiranaan aan MADAXDA KOOFUREED looga baran buu sameeyey, WAANU U SACABO TUMAYNAA”

Boqor Buurmadow, oo ka mid ah xubnaha ugu magaca dheer madax dhaqameedka Somaliland [iyo kuwa Soomaaliyeedba] ayaa si mug leh u taageeray RAALIGELINTII uu Madaxweyne Farmaajo siiyey Beesha Isaaq iyo kulankii Madaxweynaha D. Federaalka, Farmaajo, iyo madaxweynaha Somaliland, Mudane Biixi.

Boqor Buurmadow ayaa tilmaamay inuu Madaxweyna Farmaajo si weyn uga duwanyahay madaxdii hore ee [Reer Koofureedka [Soomaaliya] isagoo ku hambalyeeyey talaabada Raaligelinta ah ee uu qaaday.

Boqorka oo telefoonka kula hadlayey muuqbaahiayaha BULSHO TV ee Somaliland ayaa carabka ku adkeeyey in kulanka labada madaxweyne uu yahay tallaabo hore loo qaaday, kuna amaanaya Mudane Biixi.  “Waxaan u arkaa tallaabo hore loo qaaday, waana ku hambayaynayaa”.

DAAWO [HOOS] TAAGEERADA BOQOR BUURMADOW EE RAALIGELINTII FARMAAJO BIXIYEY

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin