PUNTLAND: CABDIWALI GAAS OO WALAAC CUSUB MUUJIYAY , MAXAY TAHAY SABABTU?

0
718

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Prof. Cabdiweli M. C. Gaas, ayaa sheegay inuu ka walwalsanyahay sida ay noqon doonto xaaladda Somalia haddii ay dhacdo in la baal-maro heshiisyadii la wada gaadhay.

Gaas waxa uu sheegay in xiligaani la jooga aanu cabsi ka qabin in Dowlada Somalia ay baal-marto heshiisyada iyo inay ku dhaqaaqdo wakhti korodhsi, waxa uuna tilmaamay in walaaca ugu weyn ee heystaa uu yahay halka ay Somalia cagta dhigi doonto haddii aan si wacan loo dhaqangalin Heshiiska.

“Anigu waxaan ka cabsi qabaa in Soomaalida isku soo dhawaaneysa ay sii kala fogaadaan. Waayo, dalka waxa uu iminka ka talaabayaa isbedel waxaana lama huraan ah in wax waliba loo dhaqangaliyo sidii loogu talogalay”.

“Puntland waxa ay dooneysaa in sharciga ay dhowrto, waxa ay ka fogaaneysaa in Soomaalidu ay dib u qaataan qoriga oo ay burburiyaan rajadii laga qabay dalka, waxan qabaa in dhibaatadaasi oo idil looga gudbikaro inaan ilaalino sharciga haddii kale waxaan dib ugu laabaneynaa sanadihii ina dhaafay”.

“Wey adag tahay in Soomaalidu ay dhowrto sharciga, balse waxaa kasii daran shaqsiga loo dhiibo mas’uuliyadda ee isku daya inuu musuqo wakhtiga iyo in Somalia uu gaarsiiyo horumar iyo cadaalad”

Prof. Cabdiweli Gaas, ayaa ka digay in Dowlada Somalia ay marin-habaabiso sharciga iyo Heshiisyada, waxa uuna ku taliyay inaan dib loo dhigin doorashada.

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin