CABITAANKA BIYAHA IYO FAA’IDOOYINKA KU JIRA
Biyuhu wa nimco ilahay ku galad aadoomihiisa iyo dhammaan noolaha kale ,nimcadaas oo mudan inay ka mahadcelin .
biyahu wa nimco ilahay ku galad aadamaha gabihaantii waxanu ka dhigay nolosha noolaha oo idil, waxaa intaa dheer in jidhka aadamuhu 60% uu biyo ka samaysan yahay , biyahas oo muhiim u ah shaqo kasta oo jidhka ka dhex dhacaysa
Haddii biyaha jidh ka ku yaraadaan waxaa ka dhasha xanuuno badan oo aannkoobi karinayn , haddu qofku fuuqbaxo wax dhaci kara inu qofku halis galo oo u dhiman karo.
Inkastoo aan faa’idada laga helo cabitaanka biyaha aan la soo koobi karin haddan waxaan isku dayi doona in aan ka hadlo inta ugu muhiimsan.
1- Biyaha waxayb dheelli tiraan dheecaanada jidhka ku jira:
dheecaanada ugu muhiimsan jidhka ee laga sameeyo biyaha waxay ka qeyb qaataan dheefshiidka, burburinta cuntada , wareega dhiigga, sameynta dhareerka ,, xambaaridda walxaha nafaqada si jidhka loo gaadhsiyo iyo habayntodaba
Wax dhacda in kalyahu mararka qaar kaadida hakiyaan si loo badbaadiyo inta yar ee biyaha jidhka ku hadhay.
2- Biyaha waxay ka qeyb qaataan kantoroolida tamarta jidhka:
taas oo macnaheedu yahay in biyahu ay buuxiyaan caloosha iyagoo aan jidhka ku kordhin wax miisaan ah , waana sababta ay dhakhaatiirta ugula taliyaan dadka raba inay yareenaa ama dhimaan miisaan inay badsadaan cunnooyinka ay ku badanyihiin biyahu .
3- Biyaha waxay awooda siiyaan muruqyada jidhka:
unugyada murqaha waa muhiim in ay helaan biyo ku filan si ay shaqdooda si joogta ah ugu wadaan , taas oo ah inaydhaqaajiyaan jidhka qeybihiisa kala duwan sidaas awgeed dadka cabitaanka biyahu ku yaryahay waxay dareemaan caajis, tabardarro iyo murqo xanuun, waana sababta dadka jimicsada lagula taliyo in ay biyo ku filan cabaan taas oo haddi ay iyagu haraadan ay jimicsi sameeyan ay suur gal tah inay muruqyada dhaawac soo gadhi karaan.
4- Biyaha waxay nadiifiyaan oo ilaaliyaan maqaarka jidhka:
maqaarka wuxuu ka mid yahay meelaha ugu badan jadhka ee biyaha ka faa’idaysta, waana astaanta lagu garto caafimaad ahaan marka qofka uu fuuq baxo in maqaarka midibkiusu noqdo madaw, qalayl, khafiif ah oo jiidjiidma ayuu noqdaa, waxaana ka luma dhaldhalaalka .
5- Biyaha waxay caawiyaan shaqada kalyaha:
Biyaha waxay jidhka ka saaraan qashinka iyagoo kalyaha geeya, waxayna ka shaqeysiiyaan qeybaha kala duwan ee kalyaha, haddii qofka kalyihiisu ay shaqada joojiyaan waxay keenaysaa in qofka ay sunta jidhkiisa ku uruurto oo ku qasbanaado in la maydh oo mashiinno lagu rakibo .
Haddii biyo cabitaanku kugu yaryihiin waxaad halis ugu jirtaa in kalyahaaga dhagaxan galaan , taas ooay ka dhalan karaan qaliin lagu sameeyo kalyahaaga .
6- Biyaha waxay hagaajiyaan shaqada mindhicirrada:
cabitaanka biyahu waxay ka hortagtaan calool istaag , haddab caabitaan biyo kugu filan ayaa jidhka u leh faa’idooyin badan oo al soo koobi karin, waxay kaloo badbaadiyaan unugyada mindhicirrada iyago ka ilaaliya inan dhaawac gaadhin .
Intaa haddii aan ku soo gabagabeeyo faa’idada ugu badan ee biyaha laga helo, waxaa muhiima in la ogaado in cabitaanka biyaha nadiifta ay muhiim tahay suurgalna ahayn in lagu badalo cabitaanka shaaha, cabitaanada kale iyo dareerayaasha kalaba.
Waxan ku boorin lahaa akhristaha qoraalkaan in biyaha la cabo subaxa hore ay ku jiraan caafimaad badan, soomaalida waxaa lagu tiriyaa umadaha aanan ku fiicneyn biyo cabitaanka, maxayeelay badanaa waxaynu biyaha cabnaa oo kaliya markaynu haraadno ama aynu cuntada cunayno oo kaliya, aad ayayna u yar tahay in aad aragtid qof isagoo aanan haraadin biyo cabayo.
Ku dadaal cabitaanka biyaha, waa dawo aan waxyeello lahayn, haddii jidhka uu ku bataana wax jidhka loga saara si aan dhib lahayn oo caafimaad ku jiro iyado la raacinaayo qashin saarka uu jidhku sameeyo .
Mahadsanid
Mustafe cabdilahi xuseen
B.sc. Medical microbiology
International university of Africa (khartoum_sudan)
Burco _soamlialnd
+252634476257
+252659111348