DACWAD, BEESHA GERI KOOMBE: Cadaalad Daro Kajirta Saami Qaybsiga xubnaha Daarood ee Baarlamaanka Dawlada Federaalka Soomaaliya

0
1253

Ujeeddo:     Beesha Geri  Koombe  ee  Gogosha Garnaqsigga  Saami-qaybsigga Xubnaha Barlamaanka Beesha Daarood.

Ku:   Garaad Jaamac Garaad Cali

Ku:   Boqor Burhaan Boqor Muse Boqor

Ku:   Suldaan Saciid Suldaan Cabdisalaam

Ku :  Garaad Saleebaan Garaad Maxamed

Ku:   Ugaas Xassan Ugaas Yaasiin Ugaas Cabdiraxmaan

Ku:   Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil

Ku:   Islaan Bashiir Islaan Cabdulle

Ku:   Islaan Ciise Islaan Maxed

Ku :   Ugaas Cabdullahi Ciise Noor

Ku:    Suldaan Maxed Suldaan Cabdullahi Cartan

Ku:   Suladaan Cabdiqani Suldaan Xassan X. Cali Baalle

Ku:   Suldaan Cabdullahi Suldaan Cali Sonkor

Ku:   Ugaas Xusseen Ugaas  Maxed Qorane

Ku:   Beeldaaji Jaamac Beeldaaji Cabdullahi Bel.Maxed

Ku:   Suldaan Subeyr suldaan x. Maxed

Ku:   Ugaas Maxed Ugaas Axmed Ugaas Maxed

Ku:   Ugaas Maxed Ugaas Xaashi ugass Xersi

Ku: Inta kale ee Isim Daarood ah

 

Ku: Raiisal Wasaaraha DF Somaaliya-  Cumar Cabdirashiid C. Sharmaarke

Ku: Madaxweynaha  Dawlad Goboleedka Puntland  Dr. Cabdiweli M. C. Gaas

Ku: Madaxweynaha  Dawlad Goboleedka Jubbaland  Sh. Axmed Maxed Islaan

Anaga oo ah Odayaasha  Jaaliyadda Beesha Daarood – Edmonton waxaan Isimadda Dhaqanka Hoggaanka iyo Masuuliyeenta Hogganka Siyaasadda Daarood, u soo diraynaa Salaan xurmo iyo Xushmad badan.

Waxaan dhamaanteen idin leenahay , Ramadaan  Kareem, Ciid Mubaarak, Caafimaad iyo Nabad korkiina ha ahaato.

Odayaasha Jaaliyadda Beesha daarood  Edmonton/ Canada waxay talo ahaan  idiin ku soojeedinayaan:

1.in Isimadda Hogganka Dhanqanka iyo Masuuliyeenta Hogganka  Siyaasadda  Daarood ay Jawaab   mudan ka bixiyaan  Gogosha Garnaqsiigga leh ee ku salaysan Dacwad Toleeka  beesha Geri Koombe ee sami-qaybsigga xubnaha Barlamaanka Beesha Daarood,  oo soo taxnayd ilaa Carte Jabouti.

2. Waa in la isla garta meesha wax ka  khaldameen iyo sababta keentay in laga qadiyo Beesha Geri   Koombe xubnaha Barlamaanka daarood.

3. Waa in laga xaalmariyaa lana qanciyaa oo jawaab buuxdda oo toleed laga bixiyaa arrinta Gogosha Garnaqsigga leh ee Geri Koombe.

4. Jawaabta Go’aan Qaadashadda arrintan Dacwad Toleeka  Beesha Geri  koombe , waxa laga sugayaa  oo looga fadhiyaa Isimadda Daarood ee k or ku xusan wadar ahaan iyo keli – keliba inay mowfiqkoodda cadeeyaan go’aanka ku haboon in lagu xalmariyo Beesha Geri Koombe.

Odayaasha Jaaliyadda Beesha Daarood Edmonton Alberta Canada ,

waxay codsi ahaan Talo ku soojeedinayaan in Beesha Geri Koombe laga siiyo 2 xubnood Aqalka Sare Barlamaanka Federaalka qaybta ay ku leeyahiin Beesha Daarood ee Dawlad Goboleeyadda  Puntland iyo Jubbaland.

Odayaasha  Beesha Daarood Edmonton waxay mar labaad Salaan qiimo iyo qadarin leh u soo gudbinayaan  Dhamaan Ismadda iyo Masuuliyeenta Magacyadoodo kor ku xusan yahiin

 

 

Ogeysiis :

Isimadda  iyo waxgarad  Beesha Geri Koombe

Garaad Cabdimaalik  Garaad cusmaan Garaad cali

Suldaan Maxed sh xassan Wacdi

Suldaan  Cali sh. Axmed Ugaas Cabdilsalaam Jaamac Faarax

Ugaas Sh. Cabdulkaadir sh. Maxed Bile

Professor ( Social Scientist) Faisal Cabdi Rooble

Aqoonyahan Xassan Cabdullahi Ducaale

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin