Cambaha Iyo Caafimaadka Ku Jira

0
874

Website-ka Care 2 ee Maraykanka ah ayaa waxa uu soo bandhigey 8 faa’iido oo aad muhim uga ah caafimaadka oo geedka Cambaha laga helo kuwaasoo kale ah:

  1.   Waxa uu ka hortagaa kansarka:

Cilmi-baadhis ayaa waxa ay muujisey in Cambaha ay ku kiraan maadooyinka antioxidant ee difaaca kansarka mindhiciraha, kansarka naasaha, kansarka dhiiga iyo kansarka kaadihaysta.

CambahaCambaha 2

     2.  Waxa uu hoos u dhigaa heerka Cholesterolka:

Geedka Cambaha waxa ku jira maadooyinka nidaamyada dheef-ridiqqa oo heerarkooda aad u sareeyo iyo vitamin (C), kaas oo ka caawiyaa hoos u dhigista heerka cholesterol ee dhiigga.

      3.  Waxa uu buuxiaa daloolada jidhka ee weyn:

Waxa Camabaha loo isticmaali kara jidhka dushiisa si loo buuxiyo daloolada waa weyn iyo baabi’inta finanka madow iyada oo jidhka la marinayo.

     4.  Waxa uu wanaajiyaa caafimaadka indhaha:

Cilmi baadhis ayaa waxa ay muujisay hal koob oo camba ah oo la googooyay ayaa waxa ay wanaajisaa caafimaadka indhaha 25% sababtoo ah waxa ku jira vitamin (A) kaas oo indhuhu ay u baahan yihiin si loo xoojiyo aragtida iyo ka hortagta indho la’aanta habeenkii iyo engega/qalalka isha.

      5.  Waxa uu ilaaliyaa biyaha (alkaline) ka loo yaqaano ee jidhka ku jira kuwaasoo ka saara acida qulqulka dhiiga:

6:Waxa jirta cilmi-baadhis soo bandhigtey suurogalnimada in caleemaha cambaha lagu caawin karo dadka qaba macaanka qiyaasta heerka insulinka ee dhiigga.

      7.  Dheef-shiidka:

Cambuhu waxa uu wanaajiyaa nidaamka dheef-shiidka sababta oo ah waxa ku jira maadooyinka nidaamka dheef-shiidka kuwaasoo kaa caawiya habka dheef-shiidka.

8.  Waxa uu xoojiyaa habka difaaca jidhka:

Cambaha waxa uu xoojiyaa habka difaaca jidhka maxaa yeelay,waxa ku jira vitamin (C) iyo (A), iyo sidoo kale 25 kamid ah noocyada kala duwan ee maadooyinka loo yaqaano “Carotene”ka kuwaasoo u ilaaliya habka difaaca jidka si caafimaad qabta oo xoog badan.

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin