CEEGAAG, QAABKII AY UGA BILAABATAY DIIWAANGELINTU GOOBTII UGU HOREYSEY EE SAF LOO GALO: WASIIR KUXIGEENKA WASAARADDA DIB U DEJINTA OO ISKA DIIWAGALIYEY

0
450
W. Ku Xig. Dibudejinta Somaliland Sheekh Aadan Cabdilaahi Cabdille oo is diiwaangelinaya

Dadweyniih Ceegaag oo safaf dhaadheer u galay, Wasiir Aadan oo goobta iska diiwaangeliyey.

Dadka deegaanka Ceegaag ayaa si diiran u soo dhaweeyey Diiwaangalinta codbixiyeyaasha ee ka bilaabantay guud ahaan Gobolka Sool, gaar ahaana Degmada Ceegaag iyagoo safaf dhaadheer u galay Qaadashada Kaadhka.  Waxaa degmada ka muuqda xamaasad ay kula tartamayaan degaanada kale ee Somaliland iyadoo ay raad weyn ku yeelatay wacyigelin muddoba socotey oo ay bud dhig u ahaayeen saraakiisha Xukuumadda Somaliland ugu jira.

W. Ku Xig. Dibudejinta Somaliland Sheekh Aadan Cabdilaahi Cabdille oo is diiwaangelinaya
W. Ku Xig. Dibudejinta Somaliland Sheekh Aadan       Cabdilaahi Cabdille oo is diiwaangelinaya

 

Wasiirku ku xigeenka Wasaraadda Dib u dejinta, Mudane  Aadam Cabdilahi Cabdule nuur, oo ah xubinta Golaha Xukuumadda ugu jirta Degmada Caynabo oo goobjoog ka ahaa furitaankii Goobta Ceegaag ayaa iska diiwaabgeliyey goobta, dadweynahana ku dhiirigeliyey inay cududooda ku muujiyaan codkooda.  Wasiir Ku xigeenka oo ilaa hadda jooga saldhigna ka dhigtay Degmada Ceegaag ayaa si joogto ah u soo kormeerayey Goobta isagoo masuuliyiinta degmada iyo waxgaradka kaleba ku booriyey inay dadalkooda oo dhan isugu geeyaan sidii codka Ceegaag uga dhex muuqan lahaa diiwaangelinta.

Degmada Ceegaag oo safaf dhaadheer loogu jiro Diiwaangelinta
Degmada Ceegaag oo safaf dhaadheer loogu jiro Diiwaangelinta

 

Dadweynaha degaanka ayaa ka mahad celiyey dedaalka xukuumadda Somaliland ka wado degaankooda iyagoo si gaar ahna u xusay Mudane  Aadam Cabdilahi Cabdule nuur, Wasiirku ku xigeenka Wasaraadda Dib u dejinta Somaliland oo ay sheegeen inuu si niyad sami iyo daacad ah u xidhiidhiyey Xukuumadda iyo degaanka Ceegaag gaar ahaan.

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin