CIIDANKII ETHIOPIA EE SOO GALAY SOOL OO DIB UGU LAABTAY DOCMO

0
224

Ciidamadii Dawladda Federaalka Ethiopia ee saaka soo galay goobo ka tirsan Koofurta Gobolka Sool ayaa la xaqiijiyey inay isla maanta gelinkii dambe dib ugu noqdeen xuduudda Ethiopia iyadoo la hilaadinayo inay u ruqaansadeen dhanka degaanka Docmo.

Ciidankan oo watey gaadiidka dagaalka iyo xamuulkaba ayaa soo galay xuduudda Gobolka Sool subaxnimadii saaka iyagoo ku hakaday goobo ka tirsan degaanadii collaaddu aafeysey.

Ilaa iyo hadda maamulada Puntland iyo Somaliland oo ku muransanaa degaanadaasi wax war ah kama soo saarin geediga is daba maray ee Ciidamada Itoobiyaanka, sidoo kalena wax war ah oo ay soo saartay Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya iyo Dawladda Federaalku midna ma jiro.

Dad jooga degaanadii ay ciidamadani socodka ku mareen ayaa sheegay in ciidankani sahan iyo horgal  u ahaayeen ciidamo ka ballaadhan oo dhowaan soo gaadhi doono degaanadaasi si ay nabadda u sugaan, ulana shaqeeyaan ergooyinka nabadaynta ee ku soo gurmaya degaanadaasi kuwaasoo ka soo kala kicitimay Gaalkacyo, Caabudwaaq, Jigjiga, Garowe, Buuhoodle iyo Laascaanood.

Warar aan la xaqiijin ayaa tibaaxaya in ay ciidankani la socdeen Salaadiin ka tirsan Maamulka Soomaalida ee Itoobiya oo uu hogaaminayey Suldaanka Caanka ah ee degaamadaasi, Ugaas Kulmiye Ugaas Wiilwaal.  Salaadiintan oo lagu sheegay inay ka koobanyihiin dhammaan beelaha Soomaalida ee dega Ogadenia ayaa u socda hawlaha nabadaynta ee colaaddii dhowaan sahayatay dadka badan ee dhex martay beelaha walaalaha ah ee wada deggan Koofurta Gobolka Sool.

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin