C/RAXMAAN CIRRO MA WUXUU MAANTA DHEELAY KUBAD CIYAARTEEDU U EEKAYD XILLIGA DHALINYARNIMADDA HABEENKII GALAAN FILIMKA HINDIGA AH KU SII SUGA QANAAYADA OO KALE?

0
386

Hargeysa, (Laascaanood.com)-Guddoomiyaha aqalka Golaha Wakiiladda Somaliland ahna murashaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)-, ayaa maanta ciyaaray kubad jabeen iyo dhinac-dhinac ah oo uu ku matalay  ansixintii mudanayaasha labada aqal ee Golaha Wakiiladda iyo Golaha Guurtida Somalilad oo filin macnihiisu u eekaa oo kale marka xilliga  dhalinyarnimada lagu jiro ee habeenkii ay galaan Sinimooga filimaanta Hindiga ah laga daawo, inta aan filinka habeenkaa la dhigayo, loona hayo la bilaabin, waxa loo soo horumariyaa oo loo  daraa wax la yidhaahdo ku sii sug oo qanaayad u badan  (heeso Hindi ah), isla markaana, sida idinka muuqata siwirka hortiina ka muuqda Murashaxa madaxweynaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro, Guddoomiye Saleebaan Aadan Maxamuud (Saleebaan Gaal) iyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Golaha  Wasiiradda xukuumaddiisa markii barqanimaddii maanta ay ka soo baxeen aqalka Madaxtooyada maxay kaga soo baxeen ama siday u eekaayeen muuqaalkii ka soo horeeyay jawiga wajiyadooda ee falaadhaha cad-ceeda ka soo horeeya oo kale.

Madaxweynaha iyo labada Guddoomiye Ee Wakiilada Iyo Guurtida Somaliland C/raxmaan Cirro Iyo Saleebaan oo socdaal lug ah kaga soo baxay aqalka madaxtooyada SOmaliland, isagoo Cabdiraxmaan Cirro ahaa sida Sawirka idinka muuqda qofkii kaliya ee dheega ku hayey Madaxweyne  Axmed Siilaanyo ee socdaal lugayn ah ku soo galay aqalka Guurtida oo fadhiga labada Gola ee mudanayaashu ka furmay iyagoo intay ku jireen  socdaalka adinka dhulka ah waxa wajiyadooda laga dheehanayey oo muuqaalka dareenka naftooda iyo wajigooda, ka soo baxayey, sida kaaha oo kale dareen u muuqday in Madaxweyne Axmed Siilaanyo, Cabdiraxmaan Cirro iyo Saleebaan Maxamuud ay ku soo heshiiyeen intii aaney ka soo bixin aqalka Madaxtooyada in la ansixiyo oo duduub khalinka loogu duugo saldhiga militariga ee immaaradka carabta laga siinayo magaalo madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera, isla markaana, sida idiinka muuqda sawirka maanta ee Madaxweyne Siilaanyo iyo Cabdiraxmaan Cirro waxaad ka dheehanaysaa in Cirro uu taageersanaa saldhiga imaaradka ee Berbera, ogaana in aqlabiyada xildhibaanada labada aqal inay u codaynayaan ansixinta heshiiska xukuumadda Somaliland Iyo imaaradka carabta ay wada galeen. Inkastoo Cirro jawigii uu maanta (shalay), ku jiray marka uu Madaxweynaha barbarsocday waxa indhaha kala duwan ee suxufiyiintii ku sugnaa xarunta Baarlamaanka Somaliland indhahoodu qabanayeen in Cabdiraxmaan Cirro sawirka uga baxayey uu ahaa mid uu ka raali yahay heshiiska saldhiga  Berbera, Balse kubadda siyaasaddeed ee kale ee  Cabdiraxmaan Cirro maanta dheelay ayaa aheyd in si shacabka reer Somaliland, gaar ahaan beesha Ciise muuse ee Berbera, si ay ugu mucaaridin ama saameyn taageero uu ku waayin innuu iska dhigo mid diidan ansixinta heshiiska saldhiga Berbera, isagoo haddana wajigiisa labaadna uu yahay mid uu taageersan yahay, raalina uu ka yahay ansixinta saldhiga imaaradka ee Berbera.

thumbnail_DSC_0021

Sidoo kale, waxa caddayn u ah kubadan uu maanta dheelayey Cabdiraxmaan Cirro, go’ii uu hagoognaa ama uu hulaabnaa waxa ka qaaday markii la gaadhay wakhtigii codka loo qadayey heshiiska immaaradka carabta ee saldhiga Berbera, markii labadiii xildhibaan ee beeshiisa hoose ee Muuse Cabdale ee ku kala jiray aqalka Guurtida iyo Wakiilada Somaliland u codeeyeen  heshiiskii Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo  hor-keenay maanta Mudanayaasha labada aqal ee Wakiilada iyo Guurtida Somaliland, isla markaana labada xildhibaan Siciid Cabdi Yasir oo ka tirsan Mudanayaasha Aqalka Golaha Guurtida Somaliland Iyo Jaamac Xasan Aadan oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiiladda, kana soo jeeda Beesha Muuse Cabdale ee Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro  Heshiiskan oo maanta Madaxweynuhu si wadajir ah ugu gudbiyay ugana warramay labada aqal ee Baarlamaanka (Guurtidda iyo Wakiilladda) ayaa cod aqlabiyad ah lagu ansixiyay. waxaana u ogolaaday 144 Mudane, 8 mudane oo Cirro ka mid yihiina ka baxeen, Laba Mudane way diideen.

Hase yeeshee, su’aasha loo baahan yahay inay shacabka reer Somaliland is waydiiyaan ayaa ah Cabdiraxmaan Cirro haddii uu diidanaa ansixinta heshiiska saldhiga imaaradka ee Berbera, ma waxuu awoodiwayey marka laga tago Xildhibaanada ka soo jeeda beelaha  Habaryoonista kale ma labadii qoyskiisa ahaa ee Xildhibaan  ee Muuse Cabdale ayuu hanan kariwayey, ama ka joojin waayey codkii ay u codeeyeen heshiiskii ansixinta saldhiga ee xukuumadda Somaliland Iyo Imaaradka Carabta?

Su’aasha kale ee meesha taala ayaa ah Guddoomiye Cabdiraxmaan haddii uu diidanaa ansixinta saldhiga maxuu salaadii saaka kaga jarmaaday xafiiska Madaxweyne Axmed Siilaanyo?

Guddoomiye Cabdiraxmaan haddii ay daacad ka tahay diidmada saldhiga muxuu u yimi fadhigii maanta ee mudanayaasha labada aqal ee Wakiilada iyo Guurtida Somaliland?

Si-kastaba ahaatee ciyaarta Cabdiraxmaan Cirro maanta ciyaaray, ayaa aheyd mid uu ku lahaa a,ma uu lahaa ma I arragtaan sidaan u diidanahay oo uu is tusayey Xildhibaanada Ciise Muuse oo  rabash iyo arrimo iyaga gaar u ahaa ka bilaabay fadhigii Mudanayaasha labada aqal Wakiilada iyo guurtida oo dhamaantood soo xaadiray, isla maarkaana Cabdiraxmaan Cirro ayaa is ticmaalay giraanta diblomaasiyada ee sida dadban u shaqaysa ee labada waji leh, xaggana waa ka kur Yuudhii, xaggana waa ka kurka gaadhiga loo yaqaan madaxkanool (Dhayne), oo kale, taasoo ciyaarta uu dheelay maanta Cabdiraxmaan Cirro macnaha ay u dhacaysay aheyd ku siisugii qanaayada ee filinka Hindiga.

Faallo:- Staff Writen Cabdifataax Ismaaciil Caarshe

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin