DAAWO, GARGAAR IYO TAARWALE OO ISU XOOG SHEEGTAY: KALA JIIDASHADII MUUSE BIIXI

0
189

Muuqaaladii mahadhooyinka reebay maanta ee safarka Madaxweyne Biixi waxaa ka mid ah sawirka hoos idiinka muuqda.

Waa laba nin oo labadaba ay kooxo degaanka ku nooli dacwad la daba joogaan. Labaduba waxay u dhasheen degmada Laascaanood. Waa Gudoomiyaha Gobolka Sool, Mudane Gargaar iyo Maayarka Degmada Laascaanood, Mudane Taarwale. Waxaa dhaqdhaqaaqooda iyo wejiyadooda maanta laga dheehanayey Murugada iyo werwerka kaga biiray gorayo-khaakhlaynta ay kooxaha ka soo horjeedaa ku hayaan.

Waxay si muuqata isugu duubeen, qaab waali ahna u kala jiiteen labada gacmood ee Madaxweyne Biixi. Hadal uma baahna bal sawirkan daawo. Waxaad arki xanaaqa uu la qayliyey Gudoomiye Gargaar markii uu Maayar Taarwale ku cidhiidhiyey ka barakaysiga gacanta haysata qalinka lagu soo magacaabay, laguna eryi karo haddii wararka inta ku kacsan loo dhega nuglaado.

Marka aad u sii fiirsato sawirkan waxaa kuu muuqanaysa inay labada Masuul  ee reer Sool si maan-guur ah u eegayaan uguna maqanyihiin Madaxweyne Biixi, halka aad ka dheegan karto is maroorinta iyo indho-ka-lalinta madaxweynaha inaanu dan ka lahayn, dareensanyahayna waxa nimankan murugaysani ka roorayaan.

Kaba sii darane gacanta Gudoomiye Gargaar Madaxweynuhu si xoog iyo dirqi ah ayuu uga mudhuxsaday, “Iga Fuq’.  Waxaa Gargaar ka muuqda qaylo cabaad u eg iyo niyad jab Halka ay muuqato inuu Maayar Taarwale s taxadar leh uga barakaysanayo gacanta bidix ee Biixi.

Su’aasha meesha taalaa waxay tahay, labadan oday ma ku badbaadi doonaan xoodadaaminta gacmaha Madaxweyne Biixi?!

HALKAN HOOSE KA DAAWO KALA JIIDADKA TAARWALE IYO GARGARR EE BIIXI:

 

 

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin