DAAWO, KEATING OO GAROWE KA DEGEY, HAWEENKA IYO TUKARAQ OO U QORSHAYSAN

0
554

Micheal Keating, Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somaliya iyo wafdi uu hoggaminayo ayaa maanta gaadhay magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

Ujeedada Wakiilku u tegey magaalada Garowe ayaa  lagu sheegay inay la ku saabsantahay kulamo uu la qaadanayo hoggaanka Ururada Haweenka ee Puntland.

Saraakiil ka tirsan Puntland ayaa warbahinta u sheegay in Wakiilka QM ee Somaliya uu haweenka kala hadlayo xallinta Khilaafka, Dib u heshiisiinta iyo La dagaallanka Argagixisada.

Qoraal kooban oo uu bartiisa Twitter-ka ku faafiyey ayuu Keating ku sheegay “Maanta waxaan gaadhay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, waxaan halkan u imid sidii aan ula kulmi lahaa qeybaha kala duwan ee Bulshada degaannada Puntland gaar ahaan Garowe”.

Keating ayaa isla markii uu ka degey Garowe la kulmay Madaxweynaha Puntland Dr C/Wali Maxamed Cali gaas, iyagoo ka wada hadlay arimo ay ka mid ahaayeen Colaadda deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Gebagebadii Kulanka labada Sarkaal, Madaxweyne Gaas oo warbaahinta la hadlay kulanka kadib ayaa sheegay in Danjire Keating ay kawada hadleen xaalada Tukaraq, nabadeentii ka socotay Gaalkacyo, iyo nabadgalyada guud ee dalka Soomaaliya,

Dhinaca kale Danjire Michael Keating oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Madaxweynha Puntland ay kawada hadleen arrimaha siyaasada Soomaaliya, amniga gobolka iyo xaalada deegaanka Tukaraq.

Danjire Michael keating ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay arrinta gobolka Sool ka telagelin doonto Odayaasha iyo dadka deegaanka si ay qayb uga noqdaan go’aan ka gaarista masiirkooda, sidoo kale Danjire Michael Keating ayaa aad u bogaadiyay xaalada amni ee gobolka Mudug wuxuuna amaan usoo jeediyay ciidamada isku dhafka ah ee labada dhinac oo uu sheegay in ay qabteen shaqo aad u muhiim ah isla markaana aan laga cabsi qabin xaalad amni darro oo kasoo cusboonaata gobolka Mudug.

Dhanka kale Michael Keating ayaa maanta magaalada Garowe kulan kula qaatay Issimo iyo Musharaxiinta u taagan madaxtinimada Puntland, waxayna kawada hadleen arrimo ay kamid yihiin colaada Tukaraq iyo doorashada Puntland 2019.

HOOS KA DAAWO SHIRKII JARAA’ID:

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin